Dimishiq 11. October 2017 (SDN/QJ):- Sarkaalkan ayaa sheegay in hawlgalku yahay sidii loo samayn lahaa deegaanka ka caagan ciidamada oo ay si nabad ah ugu socdaalaan dadka shacabka ahi.
Wuxuu sarkaalkani intaasi ku daray inay jiri doonto iska caabin aan weynayn oo ka iman doonta kooxda mitidiinta ah ee Taxriir Al-shaam oo deegaanka ku xoogan.
Afhayeen u hadlay jabhadaha oo la yidhaa Muuse Khaalid ayaa sheegay inay Turkigu doonayaan inay ka sifeeyaan gobolka Idlib ururka Taxriir Al-shaam iyo kooxaha la fikirka ah, wuxuu carrabka ku dhuftay inay kooxanahi ay aaminsan yihiin in aanay u babac-dhigi karin awooda ciidamada Turkiga, taasina ay ku keeni doonto in lagu khasbo inay heshiis la yimaadaan.
Wefti ka socda milatariga Turkiga ayaa xilli hore oo axadii ah galay gobolka Idlib ee Suuriya si u soo qiimeeyaan wixii fududeyn lahaa hawgal ay dhinaca dhulka ka qaadaan, si loo abuuro deegaan ka caagan milatariga.
Abuurida deegaanka ka caagan milatariga wuxuu ka dhashay heshiiskii ay wada saxeexeen dawladaha Turkiga, Iiraan iyo Ruushku oo ka dhacay dalka Kazakhistaan caasimadiisa Astana bishii septembar ee sannadkii 2015.
Kooxda mitidiinta islaamiga ah ee Taxriir Al-shaam ayaan qayb ka hayn heshiiska, waxaanay hore u soo saareen inay ka soo horjeedaan. milatariga Turkigu wuxuu 8 octoobar bilaabay dhaqdhaqaaq milatari oo uu doonayo inuu goobo ilaalo gaar ah ka samaysto oo uu hawlgal ka fulin gobolka Idlib oo ah deegaan ay xuduud wadaagaan.

