Kabul 11. October 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan laba xafiis ayaa albaada la isku dhufan doonaa, halka mid saddexaadna lagu soo reebi doono shaqaale kooban.
Haweenayda madaxda ka ah hayada ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegtay inuu go’aankani yahay mid xannuun badan, oo ay ka fursan weyday in sidaasi la sameeyo. waxa ay intaasi ku dartay in shacabka ku dhaqan waqooyiga dalkaasi aanay heli doonin taakuleyntii ay uga baahnaayeen.
Waxa ay ku nuuxnuuxsatay in aanay hayada laanqayrta casi ka bixi doonin dalka Afgaanistaan, hasayeeshe ay xaddidayaan noocyada khataraha ah ee soo wajahaya shaqaalahooda. hayado badan oo ka shaqeeya bini’aadannimada ayaa isaga baxay dalka Afgaanistaan sannadihii dhawaa maadaama oo sii kordheen weerarada ay ku soo qaadayaan ururka Daalibaan iyo maleeshiyada ururka Isis.
Bishii Febarwari ee sannadka waxa ay koox dabley ah oo aan la aqoonsani toogasho ku dileen lix qof oo ka tirsan shaqaalaha hayada laanqayrta cas, laba kalena way afduubeen, balse markii dambe way sii daayeen waqooyiga gobolka Jowzjan.
Sidoo kale bishii hore waxa uu qof bukaani diley dhakhtar qaabilsanaa daweynta dadka curyaama magaalada Masaruf shariif. hayada laanqayrta cas ee caalamiga ahi waxa ay ka shaqaynaysa dalka Afgaanistaan muddo 30 sannadood ah, waana dalka afraad ee ugu ballaadhan ee ay ka shaqayso adduunka, waxaana ka joogay 1,800 oo shaqaale ah.

