Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay 11 masuul.
Wareegtadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-
Madaxweynuhu
Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markuu Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markuu ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markuu Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
| Tir | Magaca | Xilka |
| 1. | Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) | Guddoomiyaha Gobolka Sanaag |
| 2. | Xamse Maxamed Cabdi Axmed | Guddoomiyaha Gobolka Togdheer |
| 3. | Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex |
| 4. | Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Awdal |
| 5. | Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax | Guddoomiyaha Gobolka Gabiley |
| 6. | Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim | Guddoomiyaha Gobolka Hawd |
| 7. | Axmed Maxamed Xaashi Ducaale | Guddoomiyaha Gobolka Saraar |
| 8. | Mawliid Maxamed Nuur Warsame | Guddoomiyaha Gobolka Salal |
| 9. | Maxamuud Warsame Jaamac Cali | Afhayeenka Madaxweynaha |
| 10. | Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud | La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada |
| 11. | Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
Geesta Kale Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.
Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa ayuu Madaxweynuhu Yidhi sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
