Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaantay wararka sheegaya in ilaaladii guriga Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi lagala baxay. Hase-yeeshee, Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa xaqiijiyey in ilaaladii Guriga Madaxweyne Biixi lagala baxay.
Wasiirka Amniga Cabdalle Maxamed Carab ‘Sandheere’ ayaa beeniyay wararkaas uu Kulmiye sheegay inay run yihiin oo shalay si weyn loo hadal hayay warbaahinta, isagoo sheegay in dowladdu ay ka qaaday ilaalada guriga Madaxweynihii hore.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa in warkaas uu yahay mid been abuur ah, oo aan sal iyo raad toona lahayn, madaxweynihii hore aad buu u ixtiraamaa dowladnimada, wuxuu u soo halgamay qaranka, madaxweynana ka soo noqday, ammaankiisana waa uu ku sugan yahay hoygiisa.” Ayuu yiri Sandheere.
Wasiirku waxa uu ku eedeeyay dad gaar ah oo uu ku sheegay inay yihiin qaran dumis, inay faafiyeen warar sumcad dil ah oo ka dhan ah Somaliland. Waxa uu intaasi ku daray in shaqsiyaadka noocaasi ah marar badan looga digay inay faafiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn.
“Waxay xushmaynayaan Madaxweynihii hore, waxayna sumcad dil ku hayaan dowladda iyagoo faafinaya warar aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Sandheere.
Xisbiga Kulmiye ayaa cadho ka muujiyay in Madaxweyne Biixi laga saaray xogtii amniga, iyadoo madaxda sare ee xisbigaasi ay shir ka yeesheen arrintan. Intii uu kulanka socday ayaa la sheegay in Wasiir Sandheere uu la xiriiray Guddoomiyaha Xisbigaasi Maxamed Kaahin, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in xal laga gaaro arrinta.
“Ciidankii amniga waa lagu soo celiyay, si xushmad lehna waanu u maarnay, balse, waxaa la yaab nagu noqotay diidmada uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ka sheegay falkaas, inkastoo aanu xaqiijinay inay arrintaasi dhacday.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Maxamed Xasan Buuni oo warbaahinta la hadlay.
Isku soo wada duuboo, warbaahinta Somaliland ayaa shalay sheegtay in ilaaladii guriga Biixi lagala baxay, Kulmiye ayaana xaqiijiyey falkan. Si kastaba ha ahaatee, maanta, warbaahinta ayaa sheegtay inay dib ugu laabteen ilaalada guriga madaxweynihii hore.
