Somaaliya oo sheegtay in Trump damacsaneyn in uu aqoonsado Somaliland

Washington (SD) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan qorshaha ugu jirin in ay aqoonsato Somaliland, waxaana ay ka digtay cawaaqib xumo ka dhalan karta haddii tallaabadan la qaado.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Maraykanka Daahir Xasan Carab oo waraysi siiyey VOA ayaa ku nuuxnuuxsaday in Maraykanku uu ilaalinayo shuruucda caalamiga ah, isla markaana aanay suurtogal ahayn in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

“Ma aragno wax sabab ah in dowladda Mareykanka ay u kala qeybiso Soomaaliya oo ay qeyb ka mid ah goboladeeda u aqoonsato dowlad gaar ah, Mareykanka waa dal mas’uul ka ah, waana mas’uulka ugu weyn ee ilaaliya shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri danjire Daahir Carab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Mareykanka uu cawaaqib xun kala kulmi doono haddii uu aqoonsado Somaliland. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in Maraykanku aanu diyaar u ahayn in uu aqoonsado Somaliland, isla markaana aanay qaddiyadda ictiraafku aanay hadda miiska saarnayn.

Danjire Carab oo wax laga weydiiyey shirkadda sharci ee ay dhawaan Soomaaliya u kiraysatay inay ka hortagto aqoonsiga Somaliland, waxa uu ku macneeyey inay shirkadu ka talo-bixin doonto dhinacyada sharci ee hay’adaha kala duwan ee Maraykanka iyo sida ay u saameeyaan Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa ictiraaf raadinta Somaliland ayaa labadii sano ee u dambeeyay si xawli ah uga socday dalka Maraykanka, iyadoo ololahan ay hormuud ka ahaayeen xubno isugu jira Congress-ka iyo Jamhuuriga. Cadaadiskan ayaa soo xoogaystay tan iyo markii Trump dib loo doortay, waxaanay dawladda Somaliland soo dhawaysay mawqifka Trump oo ay u aragto hogaamiye go’aan qaadasho leh oo aqoonsan kara Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in ololaha uu ka socdo dalka Mareykanka balse uusan hubin tallaabada uu qaadi doono madaxweyne Trump.