Khaatumo oo ka digtay aqoonsiga Somaliland

Laascaanood (QJ) – Hogaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa fariin toos ah u diray beesha caalamka, isagoo si weyn uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland. Maamulka Hargeysa ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn u baadi goobayay aqoonsi caalami ah.

Firdhiye waxa uu hadalkiisa ku sheegay in Somaliland aanay u qalmin in la ictiraafo, isaga oo ku sifeeyey in ay tahay hal beel oo ay u badan tahay beesha Isaaq. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Somaliland aanay buuxin shuruudaha dawladnimo.

“Somaliland waa Maamul Gooni-goosad ah oo ay u badan yihiin Beesha Isaaq, mana maamusho SSC iyo Maakhir oo la safan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka waxaan ka codsanayaa in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya oo lagama maarmaan u ah xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo. Waxa uu sidoo kale ka digay in haddii Somaliland la aqoonsado ay keeni karto in Soomaaliya ay midoobaan oo ka soo horjeedaan Somaliland, taasina ay khatar ku tahay xasiloonida gobolka.

Sidoo kale, Firdhiye ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland inay taageeraan kooxaha argagaxisada ah sida Al-shabaab iyo Daacish, inkastoo uusan soo bandhigin cadeymo la taaban karo oo uu ku xaqiijinayo sheegashadaas.

SSC-Khaatumo, oo hadda ah maamul maxali ah oo ka taliya deegaano ay hore uga talin jirtay Somaliland oo ay Laascaanood ka mid tahay, ayaa si toos ah uga soo horjeeda Somaliland oo weli sheeganaysa inay ka taliyaan deegaanadaas. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya in laga yaabo in Mareykanka uu noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday Somaliland, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.