Sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu dilay Laascaanood

Laascaanood (QJ) – Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Qunsuliyada Itoobiya ee Garoowe.

Faarax Caydiid Jaamac (Bariis) oo ahaa qabiir dhanka amniga ah kana mid ahaa saraakiisha sarsare ee qunsuliyada Itoobiya ee Garoowe ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Sarkaalkan oo daganaa guri ku yaala magaalada Laascaanood ayaa la afduubtay, waxaana markii dambe meydkiisa laga helay deegaanka ceelka Goojacade oo ay ku yaalaan rasaas iyo toori. Taleefankiisa gacanta ayaa sidoo kale laga qaatay ka hor inta aan la dilin.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaan wali ka hadlin dilka sarkaalkii ugu sareeyay Qunsuliyada Itoobiya ee Laascaanood.