Muqdisho (QJ) – Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa si rasmi ah dib u dhacay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho 1-2-2-2025.
Kulanka oo ahaa mid si weyn loo wada sugayay ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo xasaasi ah oo qaabaynaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka KMG ah, Amniga Qaranka, iyo hanaanka doorashada.
War saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in wadatashi kadib ay madaxda federaalku go’aansadeen in dib loo dhigo shirka maalinta Isniinta ah ee May 5, 2025. Hase ahaatee, lama sheegin sababta rasmiga ah ee dib u dhaca keentay.
“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday inuu maalinta berri ah si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay ka dib wada tashi ay yeesheen madaxda Qaranka, waxaana la isla gartay in shirka uu hadda qabsoomo maalinta Isniinta ah ee May 5, 2025” ayaa lagu yiri Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday shirka NCC, kaasoo la filayo in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.
Puntland iyo Jubaland Oo Qaadacay, SSC-Khaatumo Oo Markii Ugu Horreysay Lagu Soo Daray Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa Hore Loo Ogaaday In Puntland Iyo Jubaland Aysan Ka Qayb Gali Doonin Shirkaas Sababo La Xiriira Khilaaf Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay Dowladda Federaalka. Waxaa xusid mudan in ay noqon doonto markii ugu horeysay ee lagu casuumo maamulka SSC-Khaatumo—taas oo ah astaan muujineysa isbedelada ka jira wada xaajoodyada heer qaran.
