Madasha Xisbiyada Mucaaradka Oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Muqdisho (QJ) – Madal ay ku mideysan yihiin mucaaradka oo caawa ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulay dastuurkii iyo shuruucdii qaranka, isla markaana uu meesha ka saaray heshiisyadii siyaasadeed ee dhidibada u taagay Jamhuuriyaddii Saddexaad, ee ka soo unkamay shirarkii Carte iyo Mbagathi.

Madashu waxay kaloo walaac xooggan ka muujisay muddo kororsi aan waafaqsanayn dastuurka dalka oo loo sameeyay maamul goboleedyada waqtigoodu dhammaaday, sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Muddo kordhintaas ayay ku doodeen in ay ka hor imanayso dastuurka federaalka iyo kan maamul goboleedyada.

Madashu waxa ay sheegtay in muddo kororsi sharci darro ah, in si qasab ah loola jaanqaado xisbiyada siyaasadda ee Madaxweynaha, iyo burburkii Madasha Wadatashiga Qaran, ay si cad u muujinayaan damaca kali-taliska ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshaha uu ku doonayo inuu xilka ku kororsado isagoo wax isdaba marin ku sameynaya doorashada.

Intaa waxa dheer, madashu waxay si adag u naqdisay awoodda dawladda oo la ururiyey, musuqmaasuqa baahsan, iyo lunsiga hantida qaranka. Waxay cambaareeyeen iibinta sharci darrada ah ee dhulka danta guud, heshiisyada qarsoodiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah sida Batroolka, Macdanta, Kalluumeysiga, cadaalad darada qeybsiga fursadaha shaqo iyo qandaraasyada, eexashada mashaariicda horumarineed, iyo fashilka guud ee ku yimid adeegyada bulshada.

War-murtiyeedka ka soo baxay madasha ayaa lagu yiri: “Madashu waxay si adag u cambaareyneysaa ku takri-falka awoodda, musuq-maasuqa baahsan, ka faa’iidaysiga batroolka, macdanta iyo badda ee Soomaaliya, iyadoo loo marayo heshiisyo qarsoodi ah oo hareer marsan ilaalinta baarlamaanka, iyo sidoo kale in si siman loo qeybsado fursadaha shaqo, qandaraasyada, mashaariicda horumarineed, iyo dayacaadda guud ee adeegyada bulshada”.