Madaxweyne Xasan oo mucaaridka ugu baaqay Madal Wada-tashi

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Bulshada, kaasoo 15-ka June 2025 ka furmaya magaalada Muqdisho.

Go’aankani wuxuu daba socdaa wadatashiyo ballaaran oo ay yeesheen madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah, kaasoo looga gol lahaa xoojinta isfahamka siyaasadda, dib u heshiisiinta, iyo midnimada qaranka.

Madasha Wada-tashiga ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, Dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyin xor ah, dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah, midnimada Qaranka, dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, madax dhaqameedka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u diyaar garoobaan oo ay si firfircoon uga qeyb qaataan madasha si looga wada hadlo mustaqbalka dalka.

Guddi farsamo oo gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa loo saaray inay la socdaan diyaar garowga saadka ee madasha. Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona isku xirka iyo hubinta habsami u socodka arrimaha shirka.

War-saxaafadeedka rasmiga ah ee ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madashan ay noqon doonto madal lagu falanqeyn doono doodaha wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu dhiso mustaqbal siyaasadeed oo xasiloon, barwaaqo ah, loona wada dhan yahay oo ay Soomaalidu ku wada-shaqeyn karaan midnimo.