Hargeysa (QJ) – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan khariidadda BBC-du toddobaadkan daabacday, kaasoo muujinayay inaanay Somaliland ka tirsanayn Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si xasaasi ah uga falcelisay arrintaasi, islamarkaana ay waji gabax kala kulantay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo faahfaahsan ayuu afhayeenku ku sheegay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in BBC-du ay ka mid tahay hay’adaha warbaahinta ugu sumcadda badan caalamka. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku waxa kale oo uu xusay in wargeysyada kale ee caalamiga ah, sida The New York Times iyo The Guardian, ay si joogto ah u kala saaraan Somaliland iyo Somalia warbixintooda.
Afhayeenka ayaa ku jees jeesay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in xitaa aysan si buuxda u maamulin caasimadda Muqdisho, iska daa gobollada kale.
Deyr waxa uu soo bandhigay xaalad taariikhi ah, isaga oo ku macneeyay in Somaliland aanay ahayn gobol ka go’ay balse ay tahay dal madax-banaan oo la aqoonsaday 1960-kii ka hor inta aan si iskeed ah ula midoobin Soomaaliya – midawgii uu ku dhawaaqay in uu dhamaaday 1991-kii.
Afhayeenku waxa uu iftiimiyay guulaha ay Somaliland ka gaadhay dhismaha dawladnimada, adkaynta nabada iyo horumarinta dawladnimada Dimuqraadiyada.
Deyr waxa uu meesha ka saaray in Soomaaliya ay tahay “wadan magac kaliya leh,” kuna tiirsan taageerada beesha caalamka iyo ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta.
Afhayeenku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland jiritaankeedu aanu ku xidhnayn wararka warbaahinta balse ay ku xidhan tahay rabitaanka shacbigeeda oo qaranimadooda dhistay.
Waxa uu xusay in warbaahinta caalamku ay sii kordheyso qirashada horumarka Somaliland.
Deyr waxa uu kula taliyay Soomaaliya in ay tamarteeda ka leexiso dhaleecaynta oo ay dib u dhisto dawladnimadeeda burbursan.
Khariidadda muranka badan dhalisay ee ay daabacday BBC-da iyo inta badan warbaahinta Maraykanka, ayaa Somaliland iyo Soomaaliya u kala saaraysa laba dal. Warbaahintu waxa ay sheegtay in Khariiradaasi laga soo qaatay Aqalka Cad,kaas oo Somaliland ka reebaya meelaha uu Maraykanku ku soo rogay xayiraadaha socdaalka. Arintan ayaa dareen xoog leh ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo taageerayaasha midnimada Soomaaliyeed ay si weyn uga soo horjeedaan.
