Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaalada Balad Xaawo

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dagaal gacan ka hadal ah oo maanta ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka, ayaa waxaa si toos ah loogu eedeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu abaabulay weeraro lagu qaaday xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada ee degmada Balad Xaawo.

“Wasaaradda amniga gudaha waxa ay si adag u cambaareyneysaa fal-dambiyeedka Axmed Maxamed Islaam uu ka geystay Beled Xaawo…halkaas oo maleeshiyaad ka amar qaata ay weerarro aan loo meel dayin ku qaadeen xarumaha danta guud iyo xarumaha ciidamada nabadsugidda Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarradan ayaa lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ay ku jiraan xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyo sidoo kale fariisimo ciidan oo ay degan yihiin ciidamada ammaanka dowladda Federaalka. Dawladdu waxay xustay in weerarradu ay dhaceen xilliyada maalinlaha ah oo ay dadka rayidka ahi ku jireen hawl maalmeedkooda, iyadoo ku tilmaantay ficillada Jubbaland mid muujinaya mas’uuliyad darro aan ka fiirsi lahayn.

Dowladda Federaalka ayaa ka tacsiyeysay dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay dagaalada iyadoo dhanka kale wacad ku martay in cadaalada la horkeeni doono dhammaan dhinacyada ku lugta leh waxa ay ugu yeertay “Falalka cadowtinimo ee la qorsheeyay.

“Waxaa digniin adag loo jeedinayaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, dhammaan ka qeyb galayaasha dambiyadaas waa in ay fahmaan in ay la kulmi doonaan cawaaqib sharci,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Arintaan ayaa daba socota kadib markii Jubbaland ay horay u sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku heynta degmada Balad Xaawo kadib dagaal saaka dhacay, taasi oo muujineysa xiisada siyaasadeed iyo mida ciidan ee labada dhinac u dhaxeysa.

Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in si degdeg ah xaaladda loo dejiyo, waxaana ay ku celisay inay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyadoo la ilaalinayo nafta rayidka.