Wefdi sare oo ka Socda Somaliland oo booqanaya Taiwan

Taipei (QJ) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tegay dalka Taiwan.

Wasiirka waxa socdaalkan ku weheliya Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Ambassador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, La-taliyaha Madaxtooyadda ee Arrimaha Diblumaasiyadda, iyo Masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Taiwan ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dalkaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Bakaal oo saxaafadda kula hadlay madaarka, ayaa sheegay inay dawladda Taiwan uga mahadcelinayaan martiqaadka ay u fidiyeen weftigooda.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku nuux-nuux saday in Taiwan ay tahay saaxiibka muhiimka ah ee Somaliland, isla markaana ay labada dhinacba wadaagaan qiyam iyo fikrado midaysan.

Weftiga Somaliland ayaa inta ay ku guda jiraan socdaalkooda waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te, Xoghayaha Guud ee Golaha Ammaanka Qaranka Wu Chao-hsieh, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Lin Chia-lung, waxaana marti ku ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wu Chih-chung.

Sida warku sheegay weftigu waxa kale oo ay saxeexi doonaan heshiis iskaashi oo dhinaca amniga xeebaha ah oo u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale, weftigu waxay booqan doonaan sanduuqa iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta (ICDF) si ay isku dhaafsadaan fikradaha guud ee wada shaqaynta laba geesoodka ah iyo horumarka mustaqbalka ee Taiwan iyo Somaliland.

Dawladda Taiwan ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Somaliland ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, warbaahinta iyo isgaadhsiinta, nabadgelyada, tamarta iyo macdanta.

Somaliland iyo Taiwan labaduba waxay u halgamayaan sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahaayeen caalamka dimuqraadiga ah. Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal ayaa soo bilowday sanadkii 2020-kii.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu soo dhisay xisbiga Waddani ay safar rasmi ah ku tagaan dalka Taiwan.