ANKARA (QJ) – Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Turkiga ayaa walaac xoogan ka muujiyay soo jeedintii dhawaan uu soo jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ku aadan in ciidamada badda ee Turkiga la geeyo Soomaaliya kadib heshiis shidaal baaris ah oo dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya.
Yanki Bağcıoğlu oo ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee CHP, horeyna u ahaa Admiral, ayaa ka digay in ciidamada Turkiga loo diro biyaha Soomaaliya ay halis gelin karaan howlgalada militari ee Turkiga iyo amniga qaranka. Qoraal uu soo saaray Bağcıoğlu ayuu ku yiri “In ciidamada badda ee Turkiga la geeyo xeebaha Soomaaliya waxay halis ku tahay in ay wiiqaan howlgallada aan hadda wadno iyo amniga qaranka”.
Bağcıoğlu ayaa dhaleeceeyay la’aanta awaamiirta cad ee mooshinka laga gudbiyay madaxtooyada, isagoo ku booriyay diyaargarow taxadar leh iyo ujeedooyin siyaasadeed oo hufan si looga fogaado khalkhalgelinta amniga Turkiga. “Haddii ay lagama maarmaan tahay in ciidamo Turki ah loo diro Soomaaliya si ay u taageeraan baahida Soomaaliya, waa in lagu taageeraa qorshe si wanaagsan loo diyaariyay, qorshe fog iyo amaro cad,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Erdogan uu baarlamaanka Turkiga u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo loo diro Soomaaliya. Arrintan ayaa daba socota warbixin ka soo baxday Wasaaradda Tamarta Turkiga oo sheegaysa in sanadkan markab cilmi baaris ah loo diri doono badda Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah heshiis iskaashi oo la saxiixay horraantii sanadka 2024-ka.
Bishii Febraayo, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, xilli wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Ankara. Turkiga ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya sannadihii u dambeeyay, isagoo dhisay iskuullo, isbitaallo, iyo kaabayaasha dhaqaalaha isagoo deeqo waxbarasho siinayay ardayda Soomaaliyeed. Sannadkii 2017-kii, Turkiga ayaa sidoo kale Muqdisho ka hirgeliyay Saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, halkaasoo uu ku tababaray ciidammo ka tirsan kuwa milateriga iyo booliiska Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Bağcıoğlu ayaa ku dooday in ciidamada Turkiga ee jooga Soomaaliya aysan qaadan door dagaal, isagoo ka digay in mustaqbalka la qaato hab la mid ah. Waxa uu soo hadal qaaday khatarta ka dhalan karta xiisadaha gobolka oo sii kordha, isaga oo tusaale u soo qaatay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Somaliland oo xumaaday, joogitaanka dalalka caalamka sida Imaaraadka oo kale iyo khatarta joogtada ah ee maleeshiyada Al-Shabaab.
Hogaamiye ku xigeenka CHP ayaa sidoo kale ka digay in la kordhiyo ciidamada badda ee Turkiga, kuwaas oo horeyba uga howlgalayay Aegean, Bariga Mediterranean-ka, iyo Badda Madow. Ku balaadhinta hawlgallada badda Soomaaliya, ayuu ku dooday inay wiiqi karto awoodda difaaca gudaha ee Turkiga.
Bağcıoğlu ayaa ku baaqay daah-furnaan la xiriirta danaha qaranka ee ka dambeeya go’aanka ah in Soomaaliya laga sameeyo howlo shidaal baaris oo khatar badan. “Waa in aan weydiinaa sababta aan u direyno ciidamo ka fog guriga si ay u ilaaliyaan danaha ku xiran ajendaha madmadowga leh ee gobol kale,” ayuu yiri, isaga oo dalbaday in dib u eegis dhab ah lagu sameeyo mooshinka madaxweynaha si wax looga qabto tabashooyinka jira.
Doodan ayaa ka tarjumaysa in si weyn isha loogu hayo dhaq-dhaqaaqyada qotoda dheer ee Turkiga iyo dhaqaalaha uu ka wado Soomaaliya, iyadoo mucaaradka ay ku booriyeen in laga taxadaro ilaalinta mudnaanta amniga qaranka.
