– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xidhiidh adag la samaysay wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay martigelinayaan saldhiga milatari ee Maraykanku ka samaysanayo dekedda magaalada Berbera.
Wareysi uu siiyay Bloomberg, ayuu madaxweynuhu ku nuux-nuuxsaday in Somaliland ay diyaar u tahay inay Mareykanka u soo bandhigto heshiis ku saabsan kheyraadka muhiimka ah ee macdanta, gaar ahaan Lithium-ka, taasoo qeyb ka ah dadaalka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah.
Isagoo qiray in aqoonsigu weli yahay mudnaanta koowaad ee Somaliland, Madaxweyne Cirro waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in beesha caalamka lagala hadlo danaha wadaagga ah, sida amniga, ganacsiga, la dagaalanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo tahriibinta dadka.
“Haddii Maraykanku danaynayo inuu Saldhig Milatari ka samaysto Somaliland, waanu soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu Maraykanka u ogolaado kaydka Lithium-ka.
Inkasta oo aanay Somaliland weli bilaabin soo saarista Lithium-ka, haddana shirkad laga leeyahay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Kilomass Co., ayaa hore loo siiyey xuquuqda sahaminta kaydadka Lithium-ka, sida ay sheegtay Somaliland bishii June 2024.
Intaa waxa dheer, Somaliland waxa ay haysataa khayraad kale oo qiimo leh, oo ay ku jiraan tiin, dhagaxaanta, iyo macdanta warshadaha sida gypsum, ceramics, iyo dahab, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay African Mining 2023.
Booqashada Mareykanka ee la qorsheeyay & Wax shuruud ah oo aqoonsi ah ma jiraan
Madaxweyne Cirro ayaa daboolka ka qaaday inuu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo dalka Mareykanka si ay uga wadahadlaan iskaashi ballaaran oo labada dhinac ah, isagoo caddeeyay in Somaliland aysan shuruud uga dhigin heshiisyadaas aqoonsi rasmi ah.
“Heshiisyada aan raadineyno Mareykanka kuma xirna aqoonsi, laakiin waxaan aaminsanahay in iskaashiga noocaas ah uu dhalin karo isfaham wanaagsan iyo niyad wanaag,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay istaraatijiyadda mustaqbalka fog ee Somaliland, taas oo diiradda saaraysa ilaalinta xasiloonida, kobcinta kobaca dhaqaalaha, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah—tallaabooyinka muhiimka ah ee loo qaadayo aqoonsiga rasmiga ah.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo nabadgelyada gobolka, isaga oo ku nuux-nuuxsaday doorka ay ku leedahay xasilinta Geeska Afrika iyo ilaalinta danaha dalalka saaxiibka la ah.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in hadda la joogo xilligii beesha caalamku aqoonsan lahayd muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland, isla markaana ay ka jawaabi lahaayeen ictiraaf raadinta muddada dheer.
