Bosaaso (SD) – Ciidamada difaaca Puntland ee fariisinka ku leh deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish oo lagu burburiyay howlgalkii Almiskaad.
Saraakiisha Howlgalka Almiskaad ayaa xaqiijiyay in labada nin ee Ajaanibta ah laga soo qabtay Buuraha ku dhow Kalabayr, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha ayaa sheegay in Eedeysanayaasha loo wareejin doono Taliska guud ee Howlgalka Almiskaad ee magaalada Boosaaso si su’aalo loo weydiiyo.
Sidoo kale waxa ay carabka ku adkeeyeen in shaqsiyaadkaasi la horgeyn doono Hay’adaha Garsoorka gaar ahaan Maxkamada Ciidamada Puntland si cadaalada loo horgeeyo.
