NAIROBI (QJ) – Madaxweynihii hore ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas, inkastoo xilka looga guuleystay, sida laga soo xigtay ilo ku dhow.
Laftagareen, oo hadda ku sugan Nairobi, ayaa la sheegay inuu qariyay warqaddii iscasilaadda ee uu hore ugu soo dhigay Facebook-giisa, inkastoo markii dambe la soo celiyay, taasoo keentay shaki iyo dood cusub. Warbixinno ka soo baxay la-taliyayaal kala duwan iyo xildhibaanno ku dhow ayaa tilmaamaya inuu ku doodayo inuu weli yahay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, inkastoo aagga laga qabsaday Baydhabo.
Intaa waxaa dheer, macluumaadka ayaa tilmaamaya in markii hore, isaga iyo wafdigiisa la saaray cadaadis xooggan, isku dayona la sameeyay si diyaaraddiisa loogu weeciyo Muqdisho. Waxaa la sheegay in shuruud lagu xiray inuu marka hore iscasilo, ka dibna loo oggolaaday inuu ka tago Baydhabo.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda dhaqdhaqaaqyo ka wadda Baydhabo, iyadoo ka shaqeyneysa sidii loo dhisi lahaa maamul ku meel gaar ah oo sii wadi doona maaraynta xaaladda ilaa doorasho guud la qabto.
Horumarkan cusub ayaa keenay su’aalo badan oo ku saabsan mowqifka Lafta-gareen iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, xilli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta federaalka ay ku soo qulqulayaan Baydhabo, waxaana la filayaa in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqan doono.
Siyaasiyiintii hore u taageeray dib-u-doorashadiisa ayaa xaqiijiyay inay ku dhiirigelinayaan inuusan is casilin oo uu sii wado xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
