Golaha Mustaqbalka wuxuu shuruud uga dhigay ka qaybgalka shirka, oo uu sii dheereeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho (QJ) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku xiraya ka qaybgalka wadahadallada shuruudo adag oo la xiriira geeddi-socodka doorashada dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan martiqaadka Madaxweynaha ee wadahadalka la qorsheeyay ee dhici doona Maajo 10, 2026, laakiin waxay ku lifaaqeen shuruudo cad si loo hubiyo daacadnimada siyaasadeed.

Bayaan qoraal ah oo ay soo saareen, Golaha ayaa ku sheegay in wadahadal lala yeesho Dowladda Federaalka uu suurtogal noqon doono oo keliya haddii daacadnimo dhab ah la muujiyo, taas oo ay ku xireen laba qodob oo muhiim ah.

1- In la joojiyo dhammaan hawlaha doorashada, falalka wiiqaya isu imaatinka, iyo ajenda kasta oo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, haddii ay jirto niyad wanaag. Wararka Gobolka Jowhar

2- In la helo dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku halleyn karo, maadaama wareegyadii hore ee wadahadallada ee muddada dheer socday labadii sano ee la soo dhaafay ay fashilmeen.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dhinacyadu ay is fahmaan, haddana waxaa loo baahan yahay dhinac saddexaad oo madax-bannaan. Wakiillo caalami ah iyo odayaal dhaqameed oo la isku raacay ayaa noqon doona ikhtiyaarka hadda la wada hadlayo.

Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya 15-ka Maajo, ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu badbaadinayo maamulka dalka, kaas oo aan u dulqaadan doonin madhnaan maamul ama maamul aan dastuuri ahayn.