Qooqaani Dec 16,2011(qurbejoog.com)- Milatariga dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay dulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay ku sugan yihiin AL Shabaab.
Major Rashid Seif oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga ee ciidamada dowladda Kenya oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan qeybo ka mid ah Jubbooyinka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay dageen qorshihi u dambeeyay oo ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Sarkaalkaani ayaa waxaa uu tilmaamay in meelihii laga xoreeyay Al Shabaab ee Jubbooyinka la keenay Ciidamo badan oo Kenyan ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in howlgallada ay yihiin kuwa la qorsheyay islamarkaana maalmaha soo aadan ay bilaabi doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Saraakiil horey ugu hadashay dowladda Kenya ayaa waxa ay tilmaameen in howglgallada Jubbooyinka ay ahaan lahaayeen kuwa is daba joog ah, hase ahaatee ay hakiyeen roobab halkaasi ka da’ay, waxaana ay tilmaameen inay ka go’antahay ciribtirka Al Shabaab.
Kenya ayaa wacad ku martay inay xaqiijinayso ammaanka dalkeeda kadib markii marar badan falal amaan dari ah laga geeystay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana Madaxda Kenya ay shaaca ka qaadeen in Shabaabku ay la dagaalami doonaan si gobolka uu noqdo mid ammaan ah.
Qurbejoog-Qoqaani
