Uncategorized

Al Shabaab oo u digay Jabbuuti

Muqdisho Dec 16,2011(qurbejoog.com)- Ururka AL Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Jabbuuti ay kaga digayaan in Ciidamo ay usoo dirto Soomaaliya, iyagoo tilmamay in loo baahanyahay in arrimahaasi in badan laga fiirsado. 

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo u waramayay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Jabbuuti ay kaga digayaan in Ciidamo ay usoo dirto Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in taasi ay ka dhalan karto cawaaqib xumo aad u balaaran. 

Cali dheere wuxuu sheegay in Jabbuuti markii horey ay kaga dul qaadanayeen Saldhigyada dowaladaha reer galbeedka ay ka dhisteen oo kusoo duula Al Shabaab, waxaana uu shaaca ka qaaday in dagaal kii ugu xooganaa ay la gali doonaan Jabbuuti. 

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ku amaanay shacabka reer Jabbuuti sida ay isaga dul qaadeen gumaystihii Ingiriiska iyo Faransiiska, isagoo xusay in iminka loo baahanyahay in laga digtoonaado Ciidamo loo soo dira Soomaaliya. 

Madaxweynha dowladda Jabbuuti ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka inay bixiyaan lacagihii Ciidamada Jabbuuti lagu gaarsiin lahaa dalka Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgallada AMISOM.

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com