Uncategorized

Wasaarada Gaashandhiga oo sheegtay in talaabo ay ka qaadeyso dadka iibiya Tuutaha Ciidanka

Muqdisho Jan 05 2013 (SDN)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in dadka iibiya tuutaha ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo agabka kale ee ay isticmaalaan ciidanka inay gacan bir ah ku qabtaan.

Wasiirka wasaarada difaaca dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan udulqaadaneyn in suuqyada lagu iibiyo dharka ciidanka.

Wuxuu sheegay in si taasi looga hortago Dowladda Soomaaliya ay sameynayso ciidan dhar cad ah oo soo kormeera suuqyada Magaalada Muqdisho ee lagu iibiyo dharka ciidanka Dowladda.

Hadii gacanta lagu soo dhigo kooxaha iibiya dharka ciidanka Dowladda ayuu sheegay in laga qaadi doono tallaabo cad oo weyn islamarkaana gacan adag lagu qaban doono.

Dowladda ayaa dhowr mar ku celcelisay hadalka ah in laga hortagayo dadka iibiya dharka ciidanka Dowladda balse ilaa iyo iminka majirto talaabo ay qaadeen masuuliyiinta ciidanka qaabilsan.

SDN-Muqdisho