Waziristan Jan 13 2013 (SDN)- Qarax ka dhashay bom la dhigay wadada dhinaceeda ayaa waxaa ku geeriyooday 14-askari halka 20-kalana ay uu dhawaacmeen, kaasi oo ka dhacay gobolka ay qabaa’ilku ka taliyaan ee Waqooyiga Waziristan, sida laga soo xigtay saraakiisha Amaanka.
Hal gaari ayaa gabi ahaan burburay kaasi oo qaraxu uu ku haleelay goob ay ku xoogan yihiin Meeleeshiyaadka Daalibaaniyiinta ee dalkaPakistan.
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa soo gaaray diyaaradaha Helicopters-ka ah kuwaasi oo gacan ka geysanayay in dadka dhawacmay loo qaado Isbitaal.
Gobolada ay qabaa’ilku ku badanyihiin eePakistanayaa waxaa muddo dheer u aheyd saldhig kooxaha mitidiinta deegaanka iyo Ururka Al Qaacidda.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in weerarka qaraxa ahaa uu ka dhacay meel u dhaw xaafada Dosali oo ka tirsan gobolka ay qabaa’ilku ka taliyaan eeWaziristan.
Majirto koox sheegatay weerarka qarax ee ka dhacay halkaasi.
Qaraxan ayaa imaanaya maalin kaddib markii DaalibtaantaPakistanaya sheegtay in ay laba jibaareyso weerarada ay kula dagaalameyso waxa ay ugu yeertay cadowga soo duulay.
