Manchester Jan 13 2013 (SDN)- Kulan ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa galabta fooda isdaray Kooxaha United iyo Reds-ka.
Ciyaarto oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay gushu ku raacday kooxda United-ka oo goolasha labada ah la hormartay waxana u dhaliyay Robin van Persie goolka koowaad 19-daqiiqo halkakanlabadana uu 54daqiiqo dhaliyay Nemanja Vidic.
Goolka calankaLiverpoolwaxa saxiixay Laacibkooda cusub ee Daniel Sturridge daqiiqadii 57aad.
Liverpoolayaa sameysay isku dayo badan oo ay dooneyso in ay ku soo barbareyso ciyaarta laakiin waa ay u suuroobi weysay.
SDN-Manchester
