Gaarissa Feb 17 2013 (SDN)— Qaraxa aad u xoogan oo ay daba socotay israsaasaeyn waqti qaadatay ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Bartamaha Magaalada Gaarissa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Wararka laga helayo Gaarissa ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa uu ka dhacay Nawaaxiga Hotel lagu Magacaabo Lucus oo kuyaall Bartamaha Magaaladaasi, waxaana la sheegayaa in qaraxa kaddib laga maqlay Magaalada israsaasey muddo 20-daqiiqo socotay.
Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha rasmi ah ee ka dhashay qaraxa iyo israsaaseynta kadanbeysay laakiin waxaa lagu waramayaa in uu jiro qasaaro lixaad leh oo ka dhashay qaraxa kadhacay bartamaha Gaarissa.
Guddoomiyaha Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Macalin Maxamed ayaa u sheegay warfidiyeenka in qaraxu uu ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay Magaalada oo dhan laakiin ma sheegin qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka Kenya oo marayay bartamaha Magaalada Gaarissa hase ahaatee majiraan saraakiil xaqiijineysa arinkaasi oo la hadlay warfidiyeenka.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee kadhaca Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya tan iyo markii ay bilaawdeen falalka Amaandaro ee ka dhacaya dhulka Kenya ay maamusho, taasi oo kadanbeysay markii ay Ciidamadeeda ay soo galeen Koofurta dalkan Soomaaliya.
SDN-Gaarissa-Kenya
