Muqdisho May 05 2013 (SDN)— Kulan balaaran oo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Arrimo badan oo dalka ku saabsan.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah Xildhibaanadii hore, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiintii ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in ay tahay muhiimad weyn in dowladda Soomaaliya looga danbeeyo maamul sameynta gobolada dalka, iyagoo waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo ku tilmaamay wax aan shariciga waa faqsaneyn.
Maxamuud C/laahi Wehliye “Waqaa” oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka oo kulanka qudbad ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in isbadalka ay wado ay sii balaariso, isagoo ugu baaqay dowladda in ay fiiriso qaar kamid ah gudoomiyayaasha gobolada.
Ugu danbeyntii kulanka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed oo xilalkaasi loo Magacaabay C/kariim Daahir Saciid “Saacid” iyo General Bashiir Maxamed Jaamac.
SDN-Muqdosho
