Muqdisho May 07 2013 (SDN)– Banaanbaxa ayaa ka dhacay beerta nabadda ee Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir halkaasi oo ay isugu yimaadeen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Degmooyinka ee Gobalka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa sheegay in banaanbaxan uu yahay mid lagu taageerao shirka Arimaha Soomaaliya ee ka socda Magaalada London ee dalka Uk,isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeedna ay utaagan yihiin taageerada Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in munaasabadani ay ka turjumayso sida shacabka Soomaaliyeed ay utaageersan yihiin shirka ka furmay London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo.
Magaalada London ee dalka Uk ayaa waxaa ka furmay shirka looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya oo ay wada Guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka UK.
