|

“Aakhirka,  waxaannu  u aragnaa in Somaliland iyo Soomaaliya noqon doonaan laba dal oo madax-bannaan” Dawladda Somaliland Oo Ku Baaqday In Dib Loo Bilaabo Wadahadalkii U Socday Dawlada  Soomaaliya

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa ug baaqday dawladda dhawaan la doortay ee Soomaaliya in dib loo furo wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac, si looga wadaxaajoodo arrimaha Nabadgelyada, Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday  Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. sacad Cali Shire.

Sida lagu baahiyey Mareegta African Business,  Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlayay  shir lagu qabtay London oo lagu xusayay sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, waxa uu sheegay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dooratay Bishii February ee la soo dhaafay, uu keeni doono in guul laga gaadho wadahadalka  iyo iskaashiga labada dhinac ee Mustaqbalka.

 

“Waxaannu bilownay wadahadalka aanu la leenahay Soomaaliya sannadkii 2012-kii,  waxaanan yeelanay wadahadalo soo taxnaa illaa muddadaas, waxaannu ka wada hadalnay arrimo badan oo aan horumar laga gaadhin marka laga reebo maamulka  hawadda. Waxaanu qabnaa in dawladii hore ee Soomaaliya aanay u heelanayn wadahadalka, hase ahaatee dawladan cusubi waxay sheegtay inay ka go’an tahay wadaxaajoodku. Waxaannu filaynaa inaanu horumar ka gaadhi doono,” ayuu yidhi Sacad Cali Shire

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Aakhirka,  waxaannu  u aragnaa in Somaliland iyo Soomaaliya noqon doonaan laba dal oo madax-bannaan oo iska kaashada dhinacyo badan, waxa jira mowduucyo badan oo aannu ka wada-hadli karno annaga iyo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, hawadda,  arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhaqaalaaha, horumarinta iyo  caafimaadka. Waxaannu beesha caalamku ugu baaqnay inay Soomaaliya ku cadaadiyaan in wada hadaladu midho-dhalaan.”

 

Dr. Sacad waxa uu sheegay inay caddaalad darro tahay in caalamku Soomaaliya aad u danaynayo, halka aanay Somaliland oo xasiloon oo dimuqraadi ahina aanay aad ugu soo jeedin caalamku, waxaannu yidhi; “Somaliland waxay ku naaloonaysaa nabadgelyo iyo deganaansho, waxaana ka jirta dimuqraadiyad, waxaannu  doonaynaa  in beesha caalamku  ay Somaliland ku abaal-mariso  waxaa wanaagsan ee ay qabsatay oo aanay diirada saarin oo aanay garab gelin  dalalka  guuldaraystay sida Soomaaliya iyo meelaha kaleba.”.

Comments are closed