|

Abaaro saddexdii iyo badhkii galabnimo weeye wakhtigaan waa ka aan aaddo jaamacadda hargeysa…

Abaaro saddexdii iyo badhkii galabnimo weeye wakhtigaan waa ka aan aaddo jaamacadda hargeysa waxa aan ka soo baxay albaabka guriga uuna dhaqaaqay xagga, iyo waddada uu soo marayo gaadhiga aan racaayay oo diyaar ahaa waxa aan fadhiistay kursiga inta baddan bartilmaameedka i ahaan jiray waan fadhiistay, mise waxa illaa soo fadhiistay nin aan saxiib, iyo kaftaan wadaag nahay iska bilaabanay sheeko, iyo kaftaankayagii waaba buuxsamay marka uu in muddaha iska socoday gaadhnay goobta waxbarashadda  waxa taagnaa irida horre

askarta illaalisa nabadgalayadda, iyo habsami u socodka nidaamka jaamacadda hargeysa waxa nalagu yidhi joogaa keenna kaadhka aqoonsiga ardaynimo, amma ka macalinimo waxa aannu dhiibnay ka ardaynimo  nala si daa. intaa kaga dib waxa aan galay jawi ka duwan kii aan horre u gu jiray waa goob la qurxiyay waxa la gu beeray geed Gaabka, iyo doogga cagaaran.       Waxa la gu beeraa goobaha jaamacaddaha, xafiisyadda dawladda, iyo kuwa aan dawliga ahayn ba. Waxa loogu talagalay inay indho soo jiidaasho yeeshaan.

 

Beerta waa la waraabinayaa waxa si toos ah u gu dhacaaya faladhaha qoroxadda oo dirannaa wakhtigaan waxa ka soo baxayaa nacaaw udgoon, iyo naxariis aad is odhanayso yaa dheex seexdaa beerta.

Goobta waa meel la isku arkay. waxa aad is odhan kartaa meeshayaan kaba dheex baxiin quruxdeedda, iyo indho u roonnaateedda . Waxa aan dheex socodda  laamida yar ee la gu sameeyay marmarka dalkeenna la ga soo saaro sharkadda dalwanaaje ay samaysay. wax uu taga yaa fasalkastee hortiisa waxa aan wali ku socodda  masaajidka aan saaladda casar Ku soo tukan lahaa  inta kadib waxa aan u leexday maqaaxida shaahaa casaryaha aan ka soo cabin lahaa illeen waa tii horre loo yidhi “rag waa shaahaa dumarna waa sheeko”

 

 

Inta kadib waxa ay gaadhay watkhtigga ay xiisaddu bilaabmaysay

waxa aan bilaabay socodka aan ku gaadhi lahaa fasalka, mise waa halka la i gu helay waxa aan soo is tagay kabadda aan ka soo fuli lahaa jaraanjarada fooqa. waxa i hor socodda dhallinyaro isugu jirta rag, iyo dumarba.  Waxa aan ku war helay dhoolacadanta, iyo faraxadda ka muuqato wajiga i soo eegaaya ee anna aan eegaayo. Aniga waxa is beddelay dareenkaygii qof ahaaneed iyo qalbi ahaaneedba waxa la ii  qabtay sidii kalgacal.

Qofkan waxa uu ahaa mucjiso aan horre u Arag waxa ay dhaqaajisay dareenkayga oo aan ka xakaman-jiray kalgacalka iyo dumar u janjeedh Samida dhinaca jaceylka.

Waxa aan dareemay rabbitaan qalbigayga  uu rabbo Qof kan i hor  socodda wajigayga waxa ka muuqday anfariir, amma dhidiid ka dareerayay wajiga inkastaa oo uu jiray kulali aan badnaannin. waxa la illaa baxayaa xagga sarre iyo meel annaan horre u Arag waxa niyaadda igaaga soo dhacday heestii ay midhaheeddu ahaayeen ” Afka Kama Caddiin Karro eergaanna uma diraan Karro caashaqu ogaysiis ma leeyahay”

 

 

Inta yar oo ka mid ah sifaheedda aan ku jecladay i aan idin la wadaaggo ayaan jeclaystay waa qof leh joog iyo jimaadha oo rabbi ku galaday, indho caddaan oo waawayn rabbi ku shaqlay, dabeecad wanaag,asluub, iyo  ixtiraamka dadka kale ay dheer tahay.

 

 

Waa qayb ka mid ahaa sifooyiinka aan rajinayo in aad ku qanacdo we la gu qiimayn karro qofka aad xulanayso astaamahiisa shakhsiyadeed . Waa xulashadda sabaabaha ku sahlaya in aad hesho raaliyo aad ku maamsuuddo. Waa male’awaal sheekaddu.

 

 

 

Qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud (Idiris Tooxyare)

Comments are closed