Hargaysa 15. May 2017 (SDN/QJ):- Abwaan Yuusuf Shaacir oo kamid ah hal abuurka Somaliland ayaa si adag uga hadlay siyaasadd xumada dalka ka taagan,waxaana uu abwaan Yuusuf Shaacir ibo furey gabayo duraya siyaasadaha gurracan ee wakhtigan taagan,
sidoo kalena abwaanku waxa uu badka soo dhigay dhibaatooyinka Somaliland ka jira.
Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa si cad u soo bandhigey dhibaatada iyo musuq-maasuqa iyo dhibaatada ay xukuumadda KULMIYE ku hayso dalka maanta.
