Afar Qof oo Ku Geeriyooday Iyo Shan Ruux oo Kale oo Ku dhaawacmay Shil Baabuur oo Maanta Ka dhacay Deegaanka Gobolka Gebilay DAAWO

Gebilay 08. October 2017 (SDN/QJ):-Alle ha u naxariistee afar qof ayaa maanta duhurnimadii ku geeriyooday shil Baabuur oo ka dhacay deegaanka Caro-tuulka oo u dhexeeya kala Baydh iyo Gabiley, halka Shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkan dhintay waxaa ka mid ah gudoomiyihii degmada kala Baydh maamule iyo macalin ka tirsan dugsiga kala Baydh, halka Shan qof ee dhaawaca ah la gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada Gabiley sida uu warbaahinta u xaqiijiyey agaasiimaha guud ee cisbitaalka gabiley Md: Ridwaan Maxamuud Cali iyo taliyaha qaybta ee ciidanka booliska ee gobolka Gabiley.

Goobtan shilku ka dhacay ayaa ah goob  hore ay uga dhaceen shilal Baabuur oo keenay khasaare naf iyo maalba leh,

https://www.youtube.com/watch?v=LQIkS-UZGHA