|

AFRICOM oo duqeyn ku dishay 15 Al Shabaab ka tirsanaa

Muqdisho December 19, 2022 (QJ) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in tiroba laba weerar oo ay dhawaan qaadeen ay ku dileen dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray AFRICOM ayaa lagu sheegay in codsi uga yimi dawlada Soomaaliya owgii ay 14 kii iyo 17kii bishan duqeyn ka geysateen aaga Cadale ee Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa waxa lagu dilay 15 dagaal yahan oo ka tirsan Al Shabaab. Ciidamada AFRICOM ayaa sheegtay in aaney ilaa haatan ka warheyn khasaare uu weerarkaasi u geystay rayidka halka ku nool.

Comments are closed