|

Al-shabaab Oo Shaki-gelisay Diinta Uu Haysto Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya, Ballana Qaadday Inay La Dagaalamayso Intuu Xilka Hayo

Muqdisho 21. February 2017 (SDN/QJ):-Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay War ka soo saartay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilllaahi Farmaajo, waxayna ballan ku qaadeen inay Afarta Sannadood ee uu Xilka hayo la gelayaan Dagaal.

Al-shabaab ayaa shaki-gelisay Diinta uu haysto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyagoo Tusaale u soo qaatay in Boodhadhkii uu Xilligii ololaha doorashada ku dhejiyey Waddooyinka Magaalada Muqdisho ay ku qornaayeen Kalmado ay ka mid ahaayeen “DANTA DALKA, DANTA DADKA”, laakiin aanu marnaba soo hadal qaadin DIINTA ISLAAMKA, sidaas darteed uu yahay Soomaali haysta Dhalashada Maraykanka isla-markaana Dalalka reer Galbeedku u tababbareen inuu Soomaaliya ku wareejiyo waxay ugu yeedheen Cadowga.

“Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miisaan ama halbeeg aan wax ku cabbirno, qof kasta oo khilaafa halbeeggaasi shareecada islaamku jidaysay waa lala dirirayaa” ayuu yidhi Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab oo ku hadlay afka kooxdaasi Shalay, waxaanu intaa ku daray oo uu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wado wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka, “Farmaajo wuxuu wadaa kufri iyo gaalnimo oo isaga ayaa ka shar badan kuwii hore oo dhihi jiray waxaan ka shaqeynaynaa danta dalka dadka iyo diinta, balse Farmaajo boodhadhkiisii waxaa ugu qoran danta dalka iyo dadka wuxuu yidhi wax Diin la yidhaahdo iga fogeeya”

Ninkan u hadlay Al-shabaab waxa kale oo uu sheegay, “Afar sano oo Farmaajo u dhiman yaan lagu halgaasamin, cid Allaale ciddii Farjaamo raacda waa la laynayaa, Qabiilkii Farmaajo raaca ama ciddii dana kale ku raacda waa la laynayaa, Mujaahidiintu (Al-shabaab) way idiin digayaan, Nin kuu digay kumuu dilin” ayuu yidhi Sheekha u hadlay Al-shabaab.

Comments are closed