|

Al-shabaab Oo Sheegtay Inay 39 Askari Ka Dishay Ciidammada AMISOM Iyo Tirada Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho 31. July 2017 (SDN/QJ):-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay Ciidammada AMISOM ka dishay illaa 39 Askari, dib Weerar ay ku qaadeen kolonyo Gaadiidka AMISOM ah oo marayey Deegaan ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaallo culus oo Shalay barqadii ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Madheedh ee gobolka Shabeellaha Hoose ay khasaare lagu soo gaadhsiiyey Ciidammada AMISOM.

Warbaahinta Al-shabaab oo soo xiganaysa Afhayeen u hadlay kooxdaasi waxay sheegtay in Ciidammada AL-shabaab ay Jid-gooyo ku sameeyeen Ciidammo AMISOM ka tirsan oo ka ambo-baxay deegaanka Danoow una sii jeeday degmada Buula-madheedh, halkaana uu ka dhacay Dagaal Qadhaadh oo labada dhinac dhex maray, laakiin natiijadu noqotay dhimashada 39 Askarta AMISOM ah, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen Ciidammada ka socda Dalka Uganda, kana qabsadeen Saanad Ciidan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidammada Al-shabaab dhexda u gashay ay Sahay u sideen Ciidamo ku sugan Buulo-madheedh, inkasta oo aanu jirin War Madax-bannaan oo sheegaya khasaaraha Al-shabaab sheegatay inay soo gaadhsiisay.

Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyey Shan Ruux baa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen Qarax xooggan oo Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, ayaa ku Qarxay  dariiq aad u mashquul badan oo kala qaybiya degmooyinka Waaberi iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho, waxaanu sababay Dhimashada Shan Ruux iyo Dhaawaca Toban kale.

Qaraxan oo aan la ogeyn Cidda Masuuliyaddiisa leh isla-markaana ka dambaysay, ayaa waxa Dawladda Soomaaliya sheegtay in loogu talo-galay in lagu waxyeeleeyo Shacabka ku dhaqan Muqdisho, maaddaama bay Dawladdu tidhi Waddada Qaraxu ka dhacay aanay maraynin Masuuliyiinta Dawladdu.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Carab) oo ka mid ahaa Ciidamo iyo Masuuliyiin gaadhay Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa yidhi “Waxa ku dhaawacmay 10 qof, waxaana ku naf waayay shan qof oo shacab ah, ujeedada qaraxuna wuxuu ahaa shacabka lagu baa’biiyo, waayo halkan qaraxu ka dhacay Madaxweyne muu joogin, ra’iisal wasaarena muu marayn, shacabbaa marayay oo ganacsiyo ku haystay, iyagaana loo dan lahaa, laakiin shacabka waxaan u sheegayaa in ciidanka amniga ay nabad-gelyadooda sugeen, isla-markaana ay sii sugi doonaan, qaraxanna waa tamar-darrada kooxda Al-shabaab, waayo kooxdaasi xataa guddoomiye degmo ma beegsan karaan.”

Qaraxa Shalay dhacay waxa uu kusoo beegmay xili doraad Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, uu booqday xero ay ku jiraan ciidanka hawlgalka xasilinta Muqdisho.

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay rejada umadda Soomaaliyeed in ay tahay ciidanka, “Sababta aan idiinku imid waa inaan idiinka tacsiyeeyo dhibkii idinku dhacay oo aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax uga dhici waayay Muqidisho inay tahay shaqada aad qabateen,” ayuu yidhi.

Comments are closed