|

“Anigu waan bad baaday laakin walalkay dhawac yar baa gaadhay” Wasiirka Ciyaaraha Somalia

Muqdisho 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah wasiirka Cayaraha Soomaaliya ayaa ka bad baaday weerar loo adeegsaday waxyaabaha qarxa xilli uu ka dukaamaysanayay waddada Maka Al-mukarama.

 

Wasiirka oo warbaahinta hadal siinayay wuxuu sheegay inuusan illaa iminka garanayn weerarka loo adeegsaday waxa uu ahaa maadaama asagu uu ku jiray dukaan markii qaraxu dhacayay.

 

Nin ay walaalo yihiin oo ay wasiirka wada socdeen ayaa dhaawac fudud soo gaaray. Wasiirka ayaa sheegay in labadoodaba ay gaariga bannaanka ka joogeen markii qaraxu dhacay, balse walaalkiis oo ka lug danbeeyay darteed uu dhaawac fudud kasoo gaaray kubka ama lugta.

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu tuhmayo Shabaab, balse wali waxaa socda baaritaanno ka tirsan waxa uu qaraxu ahaa iyo cidda fulisay.

Comments are closed