“Anigu waxaan u imid inaan dalkayga Barto dhamaantii,  Hadaan imid dalkaygii  Garoowana kasoo degay, Anigoon Dareen Qabin Caawaan Dug leeyahay” Fannaanad Maryan Mursal DAAWO

Garowe 11. September 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Soomaaliyeed  ee Caanka ah Maryan Mursal Ciise  ayaa Booqasho kusoo martay deegaano ka Tirsan Puntland,  oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

“Anigu waxaan u imid inaan dalkayga Barto dhamaantii,  Hadaan imid dalkaygii  Garoowana kasoo degay, Anigoon Dareen Qabin Caawaan Dug leeyahay” Ayay tidhi.

Dhinaca kale Fanaanada Maryam Mursal ayaa waxay Fariin u dirtay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhowrjeer ay dagaalo dhexmareen, waxayna sheegtay in Gobolada dhexe lagu  yaqaanay Nabad ” Galmudug waan tagi doonaa, Gobolada dhexe dagaal kama dhici Jirin, Magacii ayay nooga Ciyaareen, waxaan doonayaa inaan dhaho meesha ka kaca oo Nabad sameeya”. Ayay tidhi Maryam Mursal.

https://www.youtube.com/watch?v=3uqBzOBIFus