|

”Aragtidaydu Waxa Weeye inaynu Ka Shaqayno oo Xooga isugu Geyno Dadka Abaaruhu Saameeyeen” Wasiirka Wershadaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 12. January 2017 (SDN/QJ):-“Doorashadu way dhici kartaa waxaanay ku xidhantahay guddiga doorashada, markaas aniga wax weyn ilama aha laakiin ta’ ila weyni waa in dadkeena tabaalaysan la caawiyaa.” sidaas waxa yidhi wasiirka wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse.

Wasiir Shucab oo uu waraystay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star V, wuxuu sheegay inay muhiim tahay in loo gurmado dadka ay abaartu  hayso “Doorashadu waa hawl u taala komishana, iyagaanay ku xidhantahay duruufaha yo waaqiciga yaalaa inay darsaan, laakiin aniga iyo xukuumad iyo xisbi ahaanba arrinta nala muhiimka ahi waxa weeye in abaaraha la gargaaro dadka tabaalaysan wax lala qabto, horena loola soo qabtay, oo ay wax walba inagala weyntahay abaartu, markaas aragtidaydu waxa weeye inaanu diyaar u nahay inaanu abaaraha ka shaqayno oo dadka wax la gaadhsiiyo oo la taakuleeyo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Guddiga abaaraha ee heer qaran booyadihii ayay ku mashquulsanyihiin, kiradii booyadaha iyo lacagtii lagu taakulayn lahaa dadka ayaa is leekaaday si taas looga baxo waa in la yeeshaa booyado iyo gaadiid ay dadka ku taakuleeyaan.”

Ugu dambayn wuxuu Wasiir Shucayb yidhi “Markaas ta’ muhiimka ahi waa taas, doorashaduna way dhici kartaa waxaanay ku xidhantahay guddiga doorashada, markaas aniga wax weyn ilama aha; laakiin ta’ ila weyni waa in dadkeena tabaalaysan la caawiyaa.”

Comments are closed