|

Askari ka tirsan ciidanka booliska DILA oo badbaadiyey 7 qof oo daad qaaday

Askari-1

Askari u muuqda mid taariikhda gali doona, kaasi oo bad-baadiyay 7 qof oo muwaadiin daad qaaday ah


Hargeysa (QJ/SDN) – Askari ka tirsan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la ogaaday inuu yahay geesi ka tirsan Qaranka, kadib markii uu 7 qof ka badbaadiyey daad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmada Dila ee Gobolka Awdal gelinkii dambe ee Arbacadii, kaasi oo galaaftay nolosha ugu yaraan 7 qof oo kale oo ku noolaa isla magaaladaasi.

Laba xadhigle Maxamed Cali Barre waa askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley, waxase uu hadda ka mid yahay ciidan ilaaliya ammaanka iyo habsami-u-socodka shaqo ee dhismaha jidka isku xidha Kala-baydh iyo Dila oo waqtigan maraya meel duleedka magaalada Dila ah, kaas oo malaha waxtarka laga filayey aannu dhaafsiisnayn sugidda amniga iyo kolba wixii taliskiisu u igmado.

Haseyeeshee, Maxamed Cali Barre waxa uu mar qudha muujiyey inuu ka mid yahay halyeyo badan oo naftooda u huraya shacabkooda, kadib markii uu badbaadinta noloshiisa ka door-biday dad rayid ah oo si kedis ah uu goob keliya ugu haleelay mid ka mid ah aafooyinka adduunka ee wax hallaaga oo ah biyo aan cidina qiyaasi karin xooggooda iyo xawaarahooda toona oo ku socda amar Alle, isagoo ku guulaystay in badanka dadkii la joogay ka samo-tabaxaan inay ku halligmaan halkaasi.

Abaaro 5:00 galabnimo ee saacadda Geeska Afrika maalintii Arbacadii waxa dadweynaha ku nool magaalada Dila ka war heleen daad xooggan oo kaga soo fatahay jihada Koonfureed, kadib markii ay fataheen biyaha laba dhaam oo ka mid ah biyo-xidheenno laga sameeyey duleedka magaalada, iyadoo waqtigaas askarigan iyo dad kale oo ay ku jireen dhallinyaro ka soo dareeray ciyaar kubadeed ay dhibica roobka ka wada jirsanayeen hudheel yar oo ka mid ah dhawr dhisme oo laga binneeyey goobo qayb ahaan ka mid ah doox wayn oo mara cidhifka bari ee magaalada, halkaas oo markii dambe xuddun u noqotay khasaaraha iyo burburka uu sababay daadka oo daqiiqado yar gudahood xaaqay wixii ay gaadheen, waxaanna wixii markaa ka dambeeyey qof waliba maciinsaday inuu badbaadiyo naftiisa masiibada qabsatay tab iyo xeelad kasta oo uu maro. Hase ahaatee, waxa isagu aan sidaas ku fikirin Laba xadhigle Maxamed Cali Barre oo inta uu tiisa iloobay u jeestay u gargaaridda dadka ay ku kulmeen goobta meherrada ahayd, isagoo bilaabay inuu qof qof u saaro geed wayn oo dheegga ku hayey dhismaha ay ku jireen ee daadku la tagay, iyadoo ay u suurtogashay inuu samato-bixiyo toddoba qof oo ka mid ahaa dad tiradoodu aanay sugnayn oo ku sugnaa huteelkaasi, balse markii uu qofkii toddobaad gaadhsiiyey jirrada geedka bartilmaameedka u ahaa gurmadkiisa ayaa isaga laftiisii ay qaateen biyaha daadka xoogga badnaa.

Guddoomiyaha Degmada Dila Mr. Ibraahim Cabdi Xaaji oo dhacdada shilkan uga warbixinayey wefti ka socday xukuumadda iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi oo ka qaybgalay aas loo sameeyey shalay toddoba qof oo kale oo ku nafwaayey daadkaasi. Isagoo arrintan ka hadlayna waxa uu yidhi:

“Askari ciidanka Booliska Qaranka ah waxa uu habeen hore (Arbacadii) badbaadiyey toddoba dhallinyaro ah oo ay huteelka wax ka wada cunayeen, kaas oo markii biyuhu ugu galeen huteelka sameeyey inuu toddobadii dhallinyarada ahaa kolba mid saaray geed wayn oo ku gabar-yaalay dhismaha, markii uu saaray kii toddobaad ayuu isaga qaaday daadkii, laakiin nasiib-wanaag markay biyuhu sideen 50 meter ayuu qabsaday geed oo uu ku badbaaday, waxaanna soo gaadhay dhaawacyo lugaha kaga dhacay. Askarigaasi waa mid qaali ah, waa askari u dhimanayey qarankiisa, waanu mahadsanyahay.” Sidaa waxa yidhi Sidoo kale, wiil magaciisa la yidhaa Xasan Cali Aadan oo ka mid ahaa dhallinyarada askarigu badbaadiyey, kana qaybgalay aaskaasi, ayaa tilmaan ka bixiyey sidii ay u dhacday dhacdadaasi, waxaannu yidhi, “Annagoo ka soo noqonay garoonka kubadda ayaanu nimi hudheelka, kadibna waxa soo galay gurigii oo qaaday daadkii, waxaanna aniga iyo lix inan (wiil) oo kale na badbaadiyey nin askari ah oo na saaray geed, kadib isagii ayuu qaaday, laakiin iminkana wuu nool yahay oo wuxuu qabsaday geed kale oo uu ku badbaaday.”

Dhinaca kale, Laba Xadhigle Maxamed Cali Barre oo waqtiga Guddoomiyaha Dila ka sheekeynayey shaqada geesnimada leh ee uu qabtay isna la soo barbar-joojiyey madaxda weftiga, lagana codsaday in uu ka warramo arrintaasi, ayaa si aan faan iyo isu-bogid midna ku jirin u hadlay, isagoo u muuqday in uu yahay nin aaminsan in wixii uu qabtay ahayd shaqo qaran oo laga sugayey, inkastoo la sheegay in uu ku waayey qorigiisii iyo agab kale oo biyaha dooxu qaateen. Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Ilaahay baa wax badbaadiya, meesha daad baa naga helay, markii aan toddoba ciyaalka ahaa kii u dambeeyey geedka saaray ayuu anigana i dhuftay, dadkuna si fiican bay u shaqaynayeen ee daadka ayuun baa naga xoog waynaaday,”.

Ugu dambayntii, shacabka reer Dila iyo masuuliyiinta weftiga Kulmiye iyo xukuumadda ee goob-joogga u noqday shaacinta shaqada halyeygan qaran fuliyey, ayaa u riyaaqay geesinimada uu muujiyey ee uu naftiisa ugu huray badbaadinta dadkiisa, waxaanna la isku waafaqay inuu mudan yahay billad geesi lagu abaalmariyo.

Xigasho: Jamhuuriya

Comments are closed