Webmaster

Sadex Hay’adood oo Qaramadda Midoobay ah oo Walaac Xoogan ka Muujiyey Macluul baahsan oo ku timaada Dalka Yemen ee Qalalaasaha dagaal ku Jira

Sanca 27. July 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha UNICEF,WFP iyo WHO  ayaa ka digay in macaluul ballaadhini ka dillaacdo dalka Yeman haddii aan gargaar deg-deg ah loola gaadhin dalkaasi uu la degay dagaalka sokeeye. Hay’adahan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in loo baahan yahay in la libin laabo gargaarka loo fidiyo dadka ku tabaalaysan dagaalada dalka yeman…

Read More

Madaxweynaha Iran oo Balanqaaday inay Jawaabta Ku Haboon Ka Bixin doonaan Cunaqabataynta Cusub ee Kongarayska Maraykanku ansixiyey in Iran lagu soo rogo & Mawqifka Ruushka iyo Midowga Yurub

Tehran 27. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka iran Xasan rooxaani ayaa sheegay inay jawaabta ku habboon ka bixin doonaan cunoqabataynta cusub ee ay Golaha Kongareeska Maraykanku ansixiyeen in lagu soo rogo jamhuuriyada Iran. Madaxweyne Rooxaani oo ka dib fadhi ay yeelatay xukuumadiisu la hadlay wakaalada wararka ee DPA ayaa waxa uu sheegay in ay sii…

Read More

Maxkamadda Midowga Yurub oo Maanta la filayo inay Go’aan ka soo Saarto Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta & Raysal Wasaaraha Yuhuuda oo Dareen Cadho leh kaga Jawaabay

Washington 27. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Yurub ayaa lagu wadaa inay maanta soo saarto Go’aan ururka Xamaas ee Falasdiiniyiinta lagaga saarayo Liiska Ururada Argagixisada. Go’aankan Maxkamada Yurub ay doonayso in Ururka Xamaas ee falasdiiniyiinta liiska argagixisada lagaga saarayo ayaa waxa suura gal ah in aanay Dalka Maraykanka iyo Israa’iil jeclaysan Go’aankaasi oo ay ka cadhoodaan….

Read More

Deegaano ka tirsan Faransiiska oo ay ka Taagan tahay Masiibo Culus oo ka dhalatay Dab qabsaday Kaymo & Baaxada Khasaaraha

Paris 27. July 2017 (SDN/QJ):- Gobol ku yaalla dalka Faransiiska ayaa waxaa ka taagan masiibo culus ka dib markii dab xoog badan uu qabsaday keymo halkaasi ku yaalla. Boqolaal shaqaalaha dab-damiska ah ayaa lagu daadgureeyay meesha loo yaqaan Bormes-les-Mimosas ee dalkaasi Faransiiska.   Dowladda Faransiiska ayaa gacan weydiisatay waddamada Midowga Yurub ee dariska la ah…

Read More

Boqortooyadda Sucuudiga Oo Cabbista Sigaarka Ka Mamnuucaya Magaalooyinka Barakaysan ee Madiina iyo Makka !

Riyadh 27. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Sucuudiga ayaa  muddooyinka ku hawlan dedaalka ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd Cabbista Sigaarka, waxaanay dhawaan soo saartay go’aano cusub oo ay arrintaasi kaga hor tagayso waxaana go’aamadaasi ka mid ah in aan sigaarka lagu cabi Karin goobaha ka ag dhaw masaajidada iyo sidoo kale goobaha lagu…

Read More

Wasiirka Maaliyadda oo Komishanka ku wareejisay Laba Milyan oo Doollar oo Xukuumadda kaga hadhsanaa Lacagta doorashada

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa Guddiga doorashooyinka Qaranka ku wareejisay Lacag dhan laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ka dhinnaa Kharashaadka Xukuumadda laga rabay ee doorashada Madaxtooyada. Lacagtaas oo lagu wareejiyey Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxaa hadal ka soo jeediyey Wasiirka…

Read More

“Ciidamadda Qaranka Ayaa Tagay Ceel-Afwayn Dadkuna Si Wanaagsan Ayay Yeeleen” Wasiiru-Dowlaha Amniga Ee Arrimaha Gudaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiiru-dowlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay dhowr arrimood waxaanu u mahad-naqay cuqaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee ku  diriray deegaanka Ceel-wayn ee Gobolka Sanaag Gaar ahaan Deegaanka Dararweyne inay ka Shaqeeyaan Sidii Nabad Buuxda Deegaankaasi Loogu soo dabaali lahaa.

Read More

Murrashaxa KULMIYE oo Sharraxay Sida Dhallinyaradu Hormood uga Noqon Horumar Somaliland Gaadho SAWIRO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer dhallinyarada reer Somaliland u hogo-tusaaleeyey siyaabaha ay naftooda, mustaqbalkooda iyo dalkoodaba u horumarin karaan, isagoo uga digay inay ku milmaan dhaqannada horumarkooda liddiga ku ah ee ku hareeraysan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka…

Read More

Guddoomiyaha Guurtida oo Shaaciyey in la hakiyey Guddi Goluhu u Saaray Shaqaaqada Ceel-afweyn, Shuruudna ku Xidhay DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay Guurti ahaan hakiyeen Ergo nabadeed oo ay u diri lahaayeen Ceel-afweyn, si ay uga qayb-qaataan deminta Colaadda Beelo wada dega deegaankaas u dhaxaysa, isla markaana dagaalkii u dambeeyey khamiistii inna dhaaftay ku dhex-maray deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada…

Read More

Dowlada Somalia Oo War Ka Soo Saartay Iska Horimaadyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Khasaare Dhimasho Kaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dawladda

Muqdisho 26. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidammo ka wada tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasoo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa isku dhacyadaasi ku tilmaamay iney ahaayeen shilal ku dhacay si lama…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Laba Wasiirul Dawle oo Mid ka Mid ah uu Ka Bedelay Wasaaradii uu Hore uga Hawlgalayay

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017          uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle. MADAXWEYNUHU:   Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta…

Read More

Taliye Ku Xigeenkii Hore ee Ciidanka Nabadsugida Somalia iyo 5 Askari oo Ka Tirsan Dawladda Somalia oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay agagaarka Madaxtooyadda Muqdisho

Muqdisho 26. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa goordhaw dagaal ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir hadana ahaa sargaal sare oo katirsanaa ciidankaasi Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile). Sida aan Wararka ku helnay waxaa dagaal ku dhax maray agagaarka Tayaatarka Qaranka oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya Ciidamo katirsan…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Xisbiga Waddani oo Gurigiisa Ku Booqday Gudoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Xisbiyadda Qaranka oo Xaalad Caafimaad la soo Deristay

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ay wehelinayaan xubno kale oo ka tirsan Xisbigaasi, waxa ay maanta gurigiisa ku soo booqdeen guddoomiyaha ururada furashada axsaabta ee Somaliland Md.Cabdirisaaq Ciyaale oo muddooyinkii dambe u jiifay xaalad caafimaad. Guddoomiye Cirro, ayaa ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ka waraystay siyaasi Cabdirisaaq Ciyaale, waxaana uu sheegay hada ay…

Read More

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Xalka Sicir Bararka Somaliland ka Taagan Ku Tilmaamay Shaqada Baanka Dhexe oo La Xoojiyo DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa dalka iyo dadka ku tilmaamay kuwo xaalad adag oo baahi iyo shaqo la’aan ah ku sugan, isaga oo ka hadlay xaaladda nololeed ee dad uu ku booqday magaalada Gabilay miyigeeda. Sida oo kale waxa uu ka hadlay Prof.Axmed Ismaacil Samatar  sicir bararka oo uu wax ka qabashadiisa…

Read More

Weriye xarunta CID-da muddo soddon maalmood ugu xidhan Maxkamad la’aan Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka ayaa la sheegay inuu muddo soddon maalmood amarka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ugu xidhan yahay xarunta Dembi-baadhista Hargeysa. Sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa lagu sheegay inuu  ka dambeeyey ka dib markii…

Read More

Warbaahinta ka Hawlgasha Gobolka Gebilay oo ka Dhiidhiday Sifo Guracan oo Xukuumadda Iyo Xisbigeedu ku Mijo Xaabinayaan Tebinta Warbaahinta Tooska ah DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Weriyeyaasha ka hawlgala Gobolka Gebilay ayaa dhaliilay Nidaam Cusub oo Xukuumadu ku rabto inay Ku Cabudhiso Warbaahinta Madaxa Bannaan Xili uu Maalintii afaraad ku Xidhan Yahay Magaaladda Gebilay Mid ka mid ah Hawl wadeenada Telefishanada Madaxa Banaan ee ka hawlgala Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=954e9c8ZWY8

Read More

Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka Dalbaday inuu Wax ka Qabto Boobka Hantida Qaranka ee Marxalada Kala Guurka Una soo Jeediyey inuu Talaabo ka qaado Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Cali Sheekh ibraahim Aareeye, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu baalmartay nidaamkii dawladnimo, waxayna ayaan daro ku tilmaameen in khilaafka Masuuliyiinta Xukuumaddu uu soo noq-noqdo,isla markaana halkii looga baahna inay guddaha ku dhamaystaan inuu dibadda u soo baxo, waxa kale oo…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Qiray in Xafiiska uu ku Shaqeeyo ay Dawladu Iibisay

Boorama 26. July 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), ayaa ka hadlay warka ah iibka xafiiskiisa Gobolka Awdal,waxaanu sheegay in wax isaga khuseeya hadda aanay ahayn, ee arinta  iibka Xarunta Awdal ay isaga ka horeeysay, ilaa haddana aanay ka guurin ee ay ku jiraan. Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo…

Read More

“Xisbiga WADDANI Waa U Xor Haddii Uu Doonayo Inuu Mudaharaad Dhigo, Habeenkiina Dhigi Mayno Ee Duhur Cad Baanu Dhigaynaa, Laakiin Annagu Ma Odhanayno Muuse Biixi Uma Qalmo Inuu Dalka Xukumo” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa jawaab ka bixiyey eedo uga yimid wasiirro ka tirsan xukuumadda kuwaas oo mudaharaadkii Gabiley ku eedeeyey xisbiga WADDANI.    Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani waxa uu xisbigiisa dhinaca uga leexiyey mudaharaadkaas oo uu sheegay inaanay wax shuqul…

Read More