Webmaster

Dhallinyarada Qurbaha Laga Kaxeeyo Ee Wadankii La Geeyo Ma Dhaqan Celisbaa Mise Musaafuris? DAAWO

Hargaysa 15. May 2017 (SDN/QJ):- Dhaliinyarada iyo caruurta dhulkii lagu celiyo si “dhaqan celis” loogu soo sameeyo waa kuwama? Dhaqan celisku wax natiijo ah ma keenaa? Maxaa la gudboon waalidiinta, culimada iyo hogaanka jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha degan. Barnaamijkan iyo mid kale ee soo socda waxa aan isku dayi in aan su’aalahaas kaga jawaabo.

Read More

Nuxurka Khudbad uu Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia ka Jeediyay Shirka Doha Forum

Doha 15. May 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Doha Forum ee ka furmay magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaana lagu casuumay madax ka socota dalal kala duwan iyo Hay,ado caalami ah. iyadoo shirkana uu furay Amiirka Qatar Shiikh Tamim Bin Hamad Al-Thani. Waxaa shirkan oo…

Read More

Tirada Xildhibaanada Puntland oo la kordhinayo iyo Gaas oo ka hadlay Sababta ka dambeysa

Garowe 15. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeesay xaqiijiyay warar soo baxayay oo sheegayay in la kordhinayo tirada uu hada ka kooban yahay Xildhibaanada maamulkaasi. Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in uu la hadlay gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi kana codsaday in uu furo kalfadhiga Baarlamaanka…

Read More

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Somalia General Gaafoow Oo Markii Kowaad Ka hadlay Dil uu Daleewarkiisu u Gaystay Hawl Wadeen Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland oo Xiisad ka abuuray Muqdisho

Muqdisho 15. May 2017 (SDN/QJ):- Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka hadlay dil uu gaystay darawalkiisii. Faarax Cali Nuur ayaa la sheegay inuu degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho uu ku dilay kaaliyihii Maxkamadda sare ee dalka, Mursal Cumar Cismaan ka dib muran soo kala dhex galay….

Read More

Madaxweyne Farmaajo Safarkiisii Itoobiya Kadib Wuxuu u Xadhko Xidhay Waddanka Masar & Sawirada uu Socdaalkani Bixinayo

Muqdisho 15. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay casuumad rasmi oo uga timid madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Sisi oo lagaga codsay inuu booqdo Magaaladda Qaahira Casuumada waxaa gacanta ka saaray madaxweyne farmaajo, Ra’iul Wasaaraha dalka Masar Sherif Ismaaciil oo ka qaybgalay shirkii arrimaha Soomaalida ee maalintii khamiistii lagu soo gabagabeeyay Magaaladda…

Read More

Amarkii Duqa Muqdisho Oo Saameyn Badan Ku Yeeshay Ganacsigii Ka Jiray Laamiga Maka Al Mukarama

Muqdisho 15. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhawaan soo saaray amar ah in gaadiidka nuucyadiisa kala duwan aan la dhigi karin hareeraha laamiga Maka Al Mukarama . Ciidamada Taraafikada ayaana amar lagu siiyay in ay jiidaan gaarigii ay ku arkaan isaga oo yaala laamiga dhinaciisa, waxaana…

Read More

Masar : Sharci Cusub Oo Lagu Soo Rogay Dadka Is Mehersanaya iyo Wallaaca Dadweynaha !

Qaahira 15. May 2017 (SDN/QJ):- Mashruucan waxa soo bandhigay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Dalka Masar, kaasi oo ah in Dadka is Mehersanaya la diiwaangaliyo oo warqad aan ahayn ta meherka oo ay xukuumadu leedahay loo jaro, arrintaasi waxay ka dhex dhalisay Dadka ku dhaqan Dalkaasi Khilaaf ballaadhan, balse Xildhibaanada soo bandhigay Mashruucan ayaa ku sababaysay…

Read More

Condaleeze Rice oo Banaanka Soo Dhigtay Sirtii Duulaankii Ciraaq ee 2003

New York 15. May 2017 (SDN/QJ):- Gabadha wejigeeda lagu yaqaanay arxandaradda ay u haysay Dunita Carabta iyo Islaamka, ee aan cadhada wejigeeda  qarsan jirin Condoleezza Rice oo soo qabatay xilalka u waaweyn uguna caansan Xukuumadaha Maraykanka sida Wasiirka Arimaha Dibada iyo jagada La Taliyaha Amniga Qaranka ee Dalkaasi maraykanka ayaa haatan ka hadashay Duulaankii Ciraaq…

Read More

Haween ka tirsan Qoyska reer Al-Nahyan Oo Maxkamadi Kaga Socoto Dal Yurub Ku yaala

Brussels 15. May 2017 (SDN/QJ):- Sideed haween amiirado Carab ah ayaa dacwad lagaga soo oogay maxkamad ku taal Brussels waxaana lagu eedeeyey in ay shaqaalahoodii jidh dileen intii ay magaaladaa joogeen. Shaykha Xamda Al-Nahyan iyo todobadeeda hablood ayaa kiraystay dabaq dhan oo ka mid ah hudheel kuwa raaxada ah waxaanay degenaayeen muddo sideed bilood ah…

Read More

Haweenay La Furay Oo Maxkamadi U Xukuntay In La Siiyo Boqolaal Kun Oo Dollar !

London 15. May 2017 (SDN/QJ):- Garyaqaanka soo saaray xukunkan oo ka hawl gala Maxkamadaha Dalka Britain ayaa diiday inuu shaaciyo Magacyada labada lammaane ee hore isku qabi jiray, balse haatan kala tagay waxaanu sheegay in ninku uu ahaaganacsade ka ganacsada Gaasta iyo shidaalka. Waxaanu ku sheegay wareysi uu siiyay The Guardian in  ninka Da’diisu tahay…

Read More

Xildhibaan REYTE Oo Iska Casilay Xisbiga WADDANI,Waa Maxay Sababta Ku Keliftay? DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iska casilay Xubin-nimadii Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Shir-jaraa’id oo uu Maantaku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku shaaciyey inuu iska Casilay WADDANI oo uu muddo Sannado ah ka mid ahaa. https://www.youtube.com/watch?v=X0w58dOY8kM

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Fursado Shaqo Oo 30 Kaalmood Ah Oo Si Furan Loogu Tartamayo DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Mudane Sharmaarke Maxamed Geelle ayaa maanta ku dhawaaqay in Xukuumadda Somaliland hayso oo ay bulshada usoo bandhigayso fursado shaqooyin cusub oo ka kooban soddon kaalmood, isla markaana si furan oo caddaalad ah loogu tartami doono fursadahaasi shaqo.

Read More

Madaxweynihii 39 Jirka ahaa ee Dalka Faransiiska oo Maanta Xilkii Loo Dhaariyey,Beri oo uu Raysal Wasaare Magacaabi Doono Iyo Waxa Ugu Muhiimsanaa ee Maanta Lagu Wareejiyey SAWIRO

Paris 14. May 2017 (SDN/QJ):- Manual Macron, oo 39 jir ah ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Madaxweynanimada Dalka faransiiska, ka dib munaasabad balaadhan oo axadii maanta ka dhacday Qasriga Elysée ee Magaalada Paris, waxaana xilkaa wareejiyey Madaxweynahii hantiwadaaga ahaa ee fransua Holland. Macron waxa uu noqonayaa Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara jamhuuriyada…

Read More

“Caalamka Ka Garowsan Mayno Ninna Waanu Soo Hubaynaynaa Si Uu Kuu Qabsado Adna Sii Hurud, Taasina Socon Mayso Nabadna Lagu Heli Maayo….” Muuse Biixi Cabdi DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa duullaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay natiijada shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska, kaas oo lagu lafo-guray sidii cuno-qabaynta looga qaadi lahaa Soomaaliya. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad…

Read More