Webmaster

“Heshiisyada aanu shirkadaha kula jirnaa waa qaar Ganacsi oo shirkado Baatrool lala galay, heshiisyada distoorku qorayo in xeer-dejinta la hor geeyaana waa kuwa caalamiga ah…”Wasiirka Macdanta

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa markale si adag u difaacay walaaca ka imanaya hawlaha shidaal-baadhista ee ay wasaaraddiisu meelo badan oo dalka kamid ah ka waddo, kuwaas oo ay hay’adaha sharci-dejinta dalku ku doodayaan inaan waxba lagala socod siinin oo uu wasiirku kaligii iska…

Read More

Guddoomiye Ramaax Oo Farsamo-xumo Iyo Ka Fiirsasho La’aan Ku Eedeeyey Masuulkii Uu Xilka Kala Wareegay, Fulintana Jileec Ku Canaantay

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa eedo culus u jeediyey masuulkii xilka ugu horreeyey Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo haatan golaha wasiirrada katirsan, waxana uu sheegay inuu gobolka xaalad abaareed geliyey waqti aanu arrinku gaadhsiisnayn gurmad degdeg ah. Guddoomiye Ramaax oo shalay warbaahinta Hargeysa ugu warramay, ayaa habacsanaanta…

Read More

Wasaaradda Duulista Oo Bixisay Naas-nuujin Dhiig-bax Ku Ah Taariikhda Dambe Ee Madaxweyne Siilaanyo, Dhitona Uga Dhigtay Dhaabad Adag Oo Qoysnimo

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa si cad oo aan qarsoodi lahayn qandaraaska dhismaha Run-way-ga madaarka Burco u siisay ganacsade can ah oo kasoo jeeda qoyska madaxweyne Siilaanyo, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaraddu baal mareen shuruucdii iyo xeerarkii caddaaladda ku dhisnaa ee loo bixin jirey qandaraasyada dhismeyaasha qaranku…

Read More

Xoghayaha Gaarka ah ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Soo Bandhigay Dhaliilaha Ku Gedaaman Saldhiga Milatari ee Imaaraadka DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha gaarka ah ee Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Maxamed Xasan Dirir, ayaa si adag uga hadlay dhibbaatooyinka ku gedaaman saldhiga Milatari ee Imaaraadka, waxaana uu daboolka ka qaaday dhaliilo badan oo ku qarsoon saldhiggaasi isaga oo si cad u iftiimiyey saameynta caalamiga ah ee uu ku yeelan karo xidhiidhada…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Cudurrada Shuban-biyoodka Iyo Jadeecada Oo Ku Soo Kordhaya Gobollada Bariga Ee Abaartu Ka Jirto

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Xannuuno ka dhashay abaaraha ka jira deegaannada Somaliland ayaa ku sii fidaya deegaanno cusub. Wasaaradda Caafimaadka ayaa hore u sheegtay inay xakamaysay Xanuunnadaasi, hase ahaatee ilaa afar gobol ayaa waxa ka jira xannuunno ay ka mid yihiin jadeecada, shuban-biyoodka iyo nafaqo-darrada. Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr….

Read More

‘’Fanaanka,Weriyaha Iyo Dhakhtarkuba Midna Xuduud Maleh ayaan Odhan Karaa,Anigoo Hargaysa u dhashay Hadana Xamar Waan Tegayaa’’ Fannaanada Yurub Geenyo DAAWO

Muqdisho 17. March 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Yurub Geenyo oo doraad laga saaray ka Mid ahaanshaha Kooxdeedii Xidigaha Geeska Xili ay Socdaal Ku Joogto Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegtay in Fannaanku aanu Xuduud lahayn. https://www.youtube.com/watch?v=q68RrVlNA9c

Read More

Ducadii Muslimiinta Holland oo Rabi ka aqbalay iyo Wadamada ay ka soo jeedaan Islaamka ku nool !! DAAWO

Holland 17. March 2017 (SDN/QJ):- Masaajido badan iyo iyo goobaha lagu cibaadeeysto ee dalka Holland ayaa maalmahaan dambe waxaa ka socday Duco taas oo Rabi looga baryay in uu ka asiibo sharta Cunsuri soo ifbaxay .   Muslimiinta ugu badan ee ku nool gudaha dalka Holland ayaa waxa ay intooda badan ka soo jeedaan wadamada…

Read More

R/Wasaaraha Holland oo Cashir u dhigay Cunsurigii Tartanka adag la Galay iyo Niyad jabka qabsaday!

Rotterdam 17. March 2017 (SDN/QJ):- Taageerayaasha Xisbiga VVD iyo inta badan dadka wanaagsan ee reer Holland ayaa dabaaldeg balaaran ku jira ka dib markii uu talada dalkaas mar kale ku guuleystay Raisul Wasaare Mark Rutte oo cashir u dhigay Xisbiga Cunsuriyiinta . Raisul Wasaaraha dalka Holland oo Mr.Mark Rutte oo hagaamiyo Xisbiga Volkspartij Voor Vrijheid…

Read More

Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Turkiga Iyo Holland Oo Isku Badelay Dagaal Inernet-ka Ah Gaar Ahaana Twitter-ka !

Ankara 17. March 2017 (SDN/QJ):- Khilaafka Diblomaasiyadeed ee ka dhex Alloosmay labada Dal ee Turkiga iyo Holland ayaa isku badelay dagaal dhinaca Tiknoolajiyada ah gaar ahaana baraha Bulshada ee ay ka mid tahay Twitter-ka, waxaana weerar aad u ballaadhan oo dhinaca Internet-ka ah lagu soo qaaday Dad madaxa oo aan ku lug lahayn Khilaafkaasi Diblomaasiyadeed…

Read More

Wax Ka Ogow Masaajidkii Dalka Japan Ee Masiibooyinka u Adkaystay DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Dalka JABAN waxaynu u naqaanaa inuu yahay dalka ugu badan wax soo saarka dhanka tiknoolajiyada, laakiin waxaa inagu adag inaynu wax ka sheegno taariikhda islaamka ee dalkaasi japan sida tirada dadka muslimiinta ah ee ku nool iyo inta ay le’eg yihiin masaajidda ka dhisan. https://www.youtube.com/watch?v=_Y7tUaUhkxc

Read More

Maraykanka Oo Madaxiisa Dul Dhigay Nin U Dhashay Ruushka Mallaayiin Dollar !

New York 17. March 2017 (SDN/QJ):- Hacker waa magaca loo adeegsado qofka ku tallax tagay isla markaana khibrada badan u leh Tiknoolajiyada gaar ahaana Kombiyuutarada iyo Amniga la xidhiidha Macluumaadka ku keydsan. Haddaba, Hacker-ka ugu khatarsan Adduunka ayaa waxa lagu sheegay inuu yahay Nin u dhashay Dalka Ruushka oo la yidhaa Yevgeny Bogachev oo da’diisu…

Read More

Qiimeynta Sannadkan: Magaalada Ugu Nolosha Wanaagsan Iyo Ta Ugu Nolosha Xun Adduunka

Vienna 17. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Vienna ee Caasimadda Dalka Austria ayaa waxa ay sanadkii 8aad ee xidhiidha ku guulaysatay in loo doorto in ay tahay Magaalada ugu wanaagsan Adduunka ee lagu noolan karo, halka Magaalada Baqdad ee Dalka Iraq ay  noqotay Magaalada ugu nolosha Xun Adduunka. Qiimayntan lagu kala ogaanayo Magaalooyinka Adduunka sida ay…

Read More

Magaalo ku taalla Maraykanka oo La Iibinayo Iyo Qiimaha Lagu Iibinayo oo La Shaaciyey

Tiller 17. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa la shaaciyey in Magaalada Tiller ee ku taala gobolka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa la shaaciyey in gabi ahaanba la iibinayo, waxaana lagu iibinaya lacag gaaraysa 3.8 milyan oo doolar. Magaaladan oo ku taalla koonfurta Portland inteeda badan ma ahan mid la degan yahay waxayna ku fadhidaa dhul gaaraya…

Read More

Lamaane dhaqaalihii ku bixi lahaa arooskooda ugu deeqay qoysas ka soo barakacay Abaaraha

Gaalkacayo 17. March 2017 (SDN/QJ):- Lamaane magacyadooda lagu soo kala gaabiyey Liibaan iyo Caasho ayaa qaaday Talaabo ku dayasho mudan ka dib markii dhaqaalihii ku bixi lahaa arooskooda ay weeciyeen iney wax ugu qabtaan dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira dalka. Liibaan iyo Caasha ayaa lacagtii ay ugu talo galeen arooskooda go’aansaday iney raashiin…

Read More

Hooyo Umul Ah Oo U Dhimatay Harraad Iyo Gaajo Abaarta Darteed Koonfurta Somaliya

Muqdisho 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya dalka Somaliya,gaar ahaan deegaan u dhow degmada Afgooye ayaa sheegaya in ay halkaasu ugu geeriyootey hooyo umul ah gaajo iyo harraad. Abaaraha ka taagan Soomaaliya ayaa dadkii ku nafwaayay waxaa kamid ahaa hooyo gaajo iyo harraad ugu dhimatay meel u dhaw degmada Afgooye. Hooyadaasi waxay ifka uga…

Read More

Diyaarad Qaaday Hal Qof Oo Kaliya Markii Ay Weyday Rakaab Kale Oo Raaca !

Xaa’il 17. March 2017 (SDN/QJ):- Haddii aynu maqli jirnay in Maalqabeenada Dalalka Carabtu inay shimbirahooda u kireeyaan Duulimaadyo u gaar ah oo ay ku baxdo mallaayiin lacag ah, laakiin waxa arrintaasi mid ka duwan ku tallaabsaday Nin u dhashay Dalka sucuudiga oo kalidii raacay Diyaarad Rakaab ah oo aanay Rakaab kale la saarnayn. Waa dhacdo…

Read More

Haddii Aad Ogaato Arrimahan Waxaad Ka Dheeraan Cunidda Toonta !

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Toonta  had iyo jeer waxa aynu u adeegsanaa samaynta cuntooyinka iyo sidoo kale in ay cuntooyinka aynu karsanayno kayeesho mid udgoon, sidoo kalena Toontu waxa ay leedahay Faa’iidooyin aad u badan, waxaana ka mid ah Maadooyinka ay xambaarsantahay Maadada loo yaqaan Allicin, waxa aanay Maadadaasi hoos u dhigtaa Dhiigga qofka…

Read More