Webmaster

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Maanta Meel Mariyey Wada Hadalka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Kula Jirto Maamulka Khaatumo & Mudane Gudoomiye Baashe Khaa’imul Wadan Ku Sifeeyay DAAWO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Isla Markaana uu Shir Gudoominayay Ku Simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha Golahaasi Waxay Taageereen Wada Hadalka u Socda Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo. https://www.youtube.com/watch?v=fxkzBeycOD8 https://www.youtube.com/watch?v=XuQRvTkq9Y8

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Siilaanyo, waxa uu maanta Kormeer, dhagax dhig iyo Furitaan ka fuliyey Cusbitaalka guud ee Caasimada Hargeysa SAWIRO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu socod lug ah ku tegay cusbitaalka guud ee hargeysa isagoo kormeeray xaruntii hore ee gurmadka degdega ah lagu dawayn jiray, waxaana halkaasi warbixin ka siiyey agaasimaha cusbitalka Dr Askar oo sheegay in xaruntan la dhisay 1953kii, tahayna meel qadiimi ah…

Read More

FINLAND: Xaflad Lagu Taageeray Marwo Saamiya Muuse Oo U Sharraxan Golaha Deegaanka Helsinki + Akhriso/Daawo

Helsinki 18.March 2017 (SDN/QJ): – Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad lagu taageerayo Marwo Saamiya Muuse oo ah Haweenay Soomaaliyad ah oo u sharraxan inay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland. Munaasibaddan oo ay soo buux-dhaafiyeen Taageerayaasha Marwo Saamiya Muuse oo isugu jira Soomaali tiro badan…

Read More

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Nairobi 18.March 2017(SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID. Shir…

Read More

Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo Hawlo Shaqo U Jooga Ingiriiska Ayaa Ka War Bixiyey Kulamo Uu La Qaatay Maayaradda Bristol, Shafill Iyo Madaxa Dabdamista Bristol

Bristol 18.March 2017 (SDN/QJ) Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu uu ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Magaalooyinka Bristol, Shafill iyo saraakiisha sarsare ee dabdamiska Bristol iyo nawaaxigeeda. waxaanu yidhi maayar ku xigeenku mar uu u waramayey qaybo ka mida…

Read More

MARAYKAN: Xubno Iska-casilay Xilal ay Kulmiye ka Hayeen oo ka Gilgishay Deedifayn Madaxda Xisbigu Ka Daba-direen

Denver  18. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee gobollada dhexe ee waddanka Maraykanka u qaabbilsanaa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Khayre Maxamed Axmed oo isaga iyo Xubno kale oo xilal ka hayey Kulmiye toddobaadkan dhammaaday iska casileen Xilalkii ay Xisbigaas ka hayeen, ayaa ka jawaabay Tallaabo ay ku kaceen Hoggaanka Waqooyiga Maraykanka ee Kulmiye…

Read More

War-saxaafadeed: Qodobbada Lagaga Wada-hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Khamiistii oo Shalay la Soo Saaray

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada isla-markaana uu Guddoominayey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa waxa hadheeyay War-bixinno la xidhiidha Abaarta. War-saxaafadeed uu Waxyaabihii lagaga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, ayaa u qornaa sidan “Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii 16.03.2017-ka oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane…

Read More

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Saxaafadda Iyo Xadhiga Muddo Dhaafay Ee Cabdimaalik Muuse Coldoon

London 18.March 2017 (SDN/QJ): –Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha  warbaahinta ee murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay tacadiyada saxaafadeed ee ay xukuumadda Somaliland kula kacdo wabaahinta madaxa banaan. Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah waffti culus oo uu hogaaminayo Murashaxa WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiyaha Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan…

Read More

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo si Adag uga Soo Hor-jeestay Xeerka Bangiyada Ganacsiga

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin adag u diray Golaha Somaliland oo uu hor yaalay xeerka bangiyadda ganacsi. Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa golaha ugu baaqay in ay ka feejignaadan ansixinta xeerka bangiyadda ganacsiga oo uu ku dooday inay ku jiraan qoddobo fududaynaa isticmaalka…

Read More

“Waxaanu Ugu Baaqaynaa Bulshada Caalamka Iyo Ururada Samafalku Inay Gurmad Bani-Aadamnimo Ay La Soo Gaadhaan Dadkaas Saboolka Ah Ee Waayuhu Hayo.”Wasiirka Madaxtooyadda JSL DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyey najiitada kulan Madaxtooyadda ku dhexmaray gudida qaran ee taakulayna Abaaraha. Wasiir Xaashi ayaa yidhi  “Gudidda qaran ee taakulaynta abaarahu masuuliyadan iyo xilkan mudo dheer ayey hayeen, ilaayo xiligii Madaxweynaha Jamhruuiyadda Somaliland uu magacaabay, waa guddi ka kooban dhinacyo badan oo kala…

Read More

Musharraxa X.WADDANI Dr.Cabdiraxmaan CIRRO Oo Si Cilmiyeysan U Lafo Gurey Dhibka Ka Dhalan Kara Saldhigga Millatari DAAWO

London 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ku sugnaa dalka Ingiriiska,khudbad ka jeediyey aqalka Chattan House-ka dalka Ingiriiska. Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey martiqaad casuumadeed ku joogay dalka Ingiriiska…

Read More

Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid oo Ka Hadlay Soo Bandhigay Dhaliilaha Sharci ee Ku Gedaaman Heshiiskii Laga Ansixiyey Baarlamaanka ee Saldhiga Milatari DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, ayaa soo bandhigay dhalliilaha sharci ee ku gedaaman heshiiskii laga ansaxiyey Baarlamaanka Somaliland ee khuseeyey Saldhiga Milatari, waxaana uu tilmaamay in heshiiskaasi aanu ahayn heshiis sax oo sharuucda dalka waafaqsan. https://www.youtube.com/watch?v=LCHX5uP9M-Y

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashey Sixiroolayaasha Dadka Afduubanaya Ee Ku Soo Badanaya Somaliland DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Taliska guud ee ciidamada booliska Somaliland oo warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay falal mudooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey Somaliland isla markaana lagu sirxayey laguna afduubanayey caruur iyo gabdho dhalinyaro ah. Waxaana ay talisku sidoo kalena ka hadleen dad loo xidh-xidhay falalkan iyaga oo sheegay in ay…

Read More

Taariikhda Saxaafada iyo Warbaahinta Degelada ay Bulshada Somaliyeed Ku Nooshahay DAAWO

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Saxaafadu Waa Mihnad wax badan tartay Bulshada Somaalida ee Ku Filiqasan Geeska Africa waxay unkantay Xiliyadii uu Gumaystuhu haystay dhulkan wakhtigaas oo la soo saaray Warsideyaal iyo Markii danbe in la abuuray Idaacada Radio Hargaysa oo ahayd Hooyadii Warbaahinta Guud ahaan ku hadasha Luuqada Somaliga.

Read More