Webmaster

Wasiir Caddaani oo Cadeeyay in Weriye Kasta oo Muqdisho Taga in Xukuumadda Somaliland Ciqaab adag Marsiin Doonto Kana Hadlay Xadhiga Weriye Cabdi Maalik Col-doon DAAWO

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Maanta Ka hadlay Xadhiga Laamaha amaanka ee Somaliland ku qabteen Weriye Cabdi Maalik Muuse Col-doon Kadib Markii uu ka soo Laabtay Magaaladda Muqdisho oo uu u Tegay si uu Ugu soo Hambalyeeyo Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mr Farmaajo…

Read More

Prof Cali Khaliif Galaydh oo Sanooyin Door ah Kadib Maanta Ka Degay Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood & Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ku Soo Dhaweeyay DAAWO

Laascaanood 16. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Madaarka Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka Degay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Kadib Markii uu Ka Soo Kicitimay Magaaladda Jabuuti. https://www.youtube.com/watch?v=oEDw-SSoe4g  

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay Xilka & Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Villa Somalia

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw xilka si rasmi ah ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya. Munaasabada xil wareejinta waxaa ku sugnaa masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo goob joog ka ahaa munaasabada xil wareejinta ,…

Read More

Xasan Sheekh oo maanta Faaruqiyey Xaruntii Villa Somalia iyo Labo Waddan Midkood uu u safri doono Wixii Maanta Ka Danbeeya

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah xilka ugu wareejiyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo 8-dii bishan loo doortay Madaxweyne. Qaban qaabada Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha ayaa xiligan ka socota xarunta Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in munaasabada ay xilka kula kala…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay in Shirkada DPW ay Si Rasmi ah Ula Wareegayso Dekedda Berbera + Shaqaalihii Dekeda oo Xuquuqdoodii la Siinayo & Dareenka Jira DAAWO

Berbera 16. February 2017 (SDN/QJ):-Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaaladda Berbera ayaa Shaaca Ka Qaaday in Xukuumaddu Bixinayo Xaq Iyo Xuquuqdii ay Ku Lahaayeen Qaranka Somaliland Shaqaalaha ka Shaqeeya Dekeda Berbera Isla Markaana Xusay in 1-da Bisha Soo Socota ee March si Buuxda Dekeda…

Read More

Mid Ka Mid ah Telefishanada Dalka Isu Taga Imaaraadka oo Falanqayn Ku Sameeyay Saamaynta Saldhiga Mileteri ee Berbera Isla Markaana Kala Garan Waayay Muuqaalada Somaliland Iyo Somalia DAAWO

Dubai 16. February 2017 (SDN/QJ):-Telefiishanka caanka ah ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta ayaa faaqidey dhibaatada uu yeelan karo saldhigga millitari ee dawladda Imaaraadka Carabtu ku yeelaneyso magaalada Berbera. https://www.youtube.com/watch?time_continue=1&v=B0tQipU0DkY

Read More

Guddoomiye Muuse Biixi oo Taageeray Go’aankii Labada Gole ku Ansixiyeen Saldhigga Militeri ee Berbera, Farriin Adagna u Diray Guddoomiyaha Waddani DAAWO

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay go’aankii ay dhawaan labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Golaha Wakiilladu ku meel mariyeen mariyeen inay xukuumadda Somaliland la gasho dalka Imaaraadka Carabta heshiis u ogolaanaya inay saldhig millateri kaga samaysanayaan…

Read More

Wasiir Hore Oo Sheegay In Masuuliyiinta Beesha Dhexe Aan Laga Wareejin Gaadiidka Dawladda, Qaataanna Mushaharkooda Marka Xilalka Laga Eryo  DAAWO

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa Caddaalad-darro ku sheegay in Wasiirrada Xilka laga qaado ee ka soo jeeda Dhexe ee Somaliland ay Mushaharkooda iyo Gunnadooda qaataan, kuwa ka soo jeeda Beelaha Darafyadana laga jaro. Xuseen Axmed Cabdulle, wuxuu layaab ka muujiyey Sababta Masuuliyiinta ka soo jeeda…

Read More

”Ninka Magaca Saxaafadda Somaliland sita ee Xamar kasoo ololeeya, Haddii laxidho SOLJA Ma taageerayso,Waxaa Kale oo Jira Weriyeyaal Tegay oo Markii ay Soo Noqdeen Dawladu soo Dhawaysay Madaxweyne Siilaanyo-na Waxaan ku Dhaliilayaa Qaadista Xeerkii…’’ Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja DAAWO

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa ka hadlay Xadhig ay Laamaha amaanka ee Somaliland ku qabteen Weriye Cabdi maalik Muuse Coldoon Kadib Markii uu ka Yimid Magaaladda Muqdisho Isla Markaana Qaybo ka mid ah Warbaahinta ka Sheegay inuu Taageerada Madaxweyne Farmaajo Hargaysa ka bilaabi doono.

Read More

Urur Goboleedka Igad oo Konton Kun oo Dollar Ku Wareejisay Guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland DAAWO

Jabuuti 16. February 2017 (SDN/QJ):-Gudida taakulaynta abaaraha heer qaran ee JSL oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa qadar lacageed oo dhan konton kun oo Doolar ka gudoomay Xoghayaha urur goboleedka Igad mudane Maxbuub Macalin, sidoo kalena waxay kulan la qaateen madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Read More

‘’Ismaan casilin, ismana casilayo Madaxweynuhu isaga I magacaabay, isagaana xaq u leh inuu cidda uu doono magacaabo’’ Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,  ayaa meesha ka saaray inuu iska casilayo xilka uu qaranka u hayo, waxaanu meesha ka saaray wararkan muddooyinkan dambe la isla dhex marayay, iyadoo loogu sibir saarayo is casilaadda inaanu raali ka ahayn qaabka loo waddo heshiiska Imaaraadka Carabta lagu siinayo saldhig…

Read More

Guddida Sariflayaasha oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Dad Khal Khal Ku Haya Sarifka Suuqyada Hargaysa

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada Hargeysa ayaa baanka Somaliland ka codsaday inuu wax ka qabto dad ay sheegeen inay khalkhal ku hayaan suuqa sarrifka. Axmed Xasan Awliyo, oo ka mid ah sariflayaasha Hargeysa ayaa wuxuu xukuumadda ugu soo jeediyay inay wax ka qabto dadkaas oo uu sheegay inay khalkhal…

Read More

Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah Villa Somalia Kula Yeeshay Madaxweynaha Talada ka sii Degaya  Xasan Shiikh & Gudoomiyaha Aqalka Hoose Mr. Jawaari & Dulucda Dardaaran la isu Jeediyey

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wad hadleen xaaladda uu dalka marayo iyo fursadaha dowladda cusub heysato. Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajiyo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh…

Read More

Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo la hakinayo 22-ka bishan iyo Sababta oo la cadeeyay

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la hakinayo howlihii duulimaadyada garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 22-ka bishan oo ku beegan maalin arbaco ah. Wasaarada Gadaiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya ayaa ku wargalisay shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde in la hakiyay diyaaradhii garoonkaasi kasoo degi jiray…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia & Xildhibaan Federaal ah oo Ka Hadlay Xadhiga ay Laamaha amaanka Somaliland Kula Kaceen Suxufi Cabdimaalik Coldoon

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay magaalada Hargeysa lagu xidhay. Cabdiraxmaan Odowaa oo qoraal uu kaga hadlayay xadhiga wariyaha soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn in wariyaha la xidho balse ay ahayd…

Read More

Ciidamadda Imaaraadka ee Ku Sugan Yemen oo Madaxweynihii Sharciga ahaa ee Dalkaasi u Diiday inuu Caddan ka Dego

Cadan 16. February 2017 (SDN/QJ):- Maalintii Axadii ee ay Baarlamanka Somaliland ansaxinayeen saldhiga ciidan ee dawladda Imaaraatku dalbatay inay ku yeelato xeebta magaalada Berbera,ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Imaaraatka (Apache) iyo koox maleeshiyo maxali ah  oo Imaaraatku si gaar ah u taakuleeyaan waxay wada jir ahaan weerar ku qaadeen qayb ka mid ah  Ilaaladii…

Read More

Mid Ka Mid ah Dhacdooyinka Sannadkan 2017 Iyo Labo Weriye oo la toogtay iyaga oo Tabin toos ah ka waday Idaacad

San Pedro 16. February 2017 (SDN/QJ):- Labo Wariye oo tabin toos ah ka waday Idaacad ku taala magaalada San Pedro de Macoris ee Dominica ayaa la toogtay kadib markii kooxo hubeesan ay gudaha ugu soo galeen Idaacadii ay ka howlgalayeen.   Mid kamid ah Wariyaasha la dilay ayaa xiligaasi barnaamij ka aqrinayay Raadiyaha waxaana si…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Wajaale iyo Gabiley SAWIRO

Gebilay 15. February 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si la yaab leh loogu soo dhaweeyey degaannada Wajaale iyo Gabiley maanta, kadib markii ay kasoo laabteen safar shaqo oo ay muddooyinkaba ugu maqnaayeen dalka Itoobiya. Weftigan oo ay Guddoomiye Muuse Biixi ku wehelinayeen Wasiirka Arrimaha…

Read More

Marwo Faadumo Siciid oo Sheegtay in Xukuumada Siilaanyo Tahay Ma Gafe Isla Markaana ay Dawlada Somalia La Wadaagto Heshiiskii Saldhiga Mileteri DAAWO

Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin La Taliyaha Gaarka ah ee Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa Sheegtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Wadaag ku Yihiin Dawlada Somalia Heshiiskii Saldhiga Mileteri ay Imaaraadka Kaga Siisay Madaarka Berbera.

Read More