Webmaster

Xukuumadda Somaliland oo Gobolka Daad Madheedh Ka Bilowday Wacyigelin la Xidhiidha Sahamin Shidaal laga Helay Gobolkaas DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiiradda Wasaaradaha Macdanta,Deegaanka Iyo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga ayaa Magaaladda Oodweyne Ka Furay Kulan lagaga hadlayay Sidii Bulshada loogu Wacyigelin lahaa Hawlgalada Sahaminta Shiidaalka oo Dhawaan la filayo inuu ka bilaabmo deegaano ka tirsan Gobolka Daad Madheedh.

Read More

Madashii Shalay ee Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo iyo Kala Duwanaanshaha Markii Xasan Sheekh Xilka Kala Wareegay Sheekh Shariif DAAWO

Muqdisho 17. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Cusub ee Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah Shalay Xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh, Waxaa Xusid Mudan in Madashii Caleemo Saarkiisa aanay ka soo qayb galin haba yaraatee Mas’uuliyiin ka socda Dawladaha Gobolka ee Somalia la deriska ah iyo Saraakiisha Qaramadda Midoobay toona…

Read More

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo Falanqayntiisii Heshiiska Saldhiga Mileteri Markuu soo Idlaaday Cadeeyay Inuu Taageersan Yahay Heshiiskan & Mawqifyo Lid Isku Ah oo uu Marba Mid Doortay DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (SDN/QJ):- Falanqayn uu hore u sameeyay Aqoon yahan Maxamed Cali Bille kana Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Ku Saabsanayd Heshiiska Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga siiyay Madaarka Berbera ayaa Xogwaran Waxa uu Mar kale ka siiyey Telefishanka HCTV isagoo sheegay inuu labada golle ee baarlamanka ku raacsan yahay ansixinta heshiiskaas hasa yeeshee…

Read More

‘’Waxa aan lee yahay waa taariikh la la yaabaa in xildhibbaanaddii umaddu soo dooratay waxa uu ku galaayey Saleebaan Gaal, hada isaga cidi may soo daaran Weliba Wuu Kibrayaa’’ Mujaahid Dhego Weyne DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (QJ):- Mujaahid Ibraahim Dhega-weyne, ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay qaabkii uu Golaha Baarlamaanka uga dhex-dhaqmay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Gaal, isaga oo carabka soo mariyey hadalo hanjabaado ah oo u aadan Saleebaan Gaal. “Ugu horreyn, waxa aan halkan uga mahad-celinayaa xildhibbaanadii sida geesinimada lahayd u…

Read More

‘’Been bay innoo sheegtay Xukuumadu oo waxa ay yidhaahdeen waa 25 sanaddood heshiiska Saldhigu,laakiin beentood bay noqotay oo 36 sanaddood bay noqotay’’ Faadumo Siciid DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (SDN/QJ):- Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa waxa ay tilmaantay in Maanta ay Been Noqotay arrimo badan oo Xukuumaddu ku doodaysay inay ku Jiraan Heshiiska Imaaraadka ee Saldhiga Milateri, Waxayna Dhaliil u soo Jeedisay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa. https://www.youtube.com/watch?v=vtyuTfsSyuY

Read More

Soomaaliya Oo Sheegtay In Lagu Wareejinayo Maamulka Hawada Ee Ka Dhexeeya Somaliland DAAWO

Canada  17. February 2017 (QJ):- Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jaamac (Jangali), ayaa sheegay in dhowaan adeegga maamulka hawada Soomaliya loo soo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulan laba maalmood soconaya oo ay leeyihiin masuuliyiinta adeegga duulista caalamiga…

Read More

‘’Somaliland Colaad ayay Dooratay Waanad la Socotaan waxa ka Socda Dalalka Islaamka ah,Markaas Waxaa ii Muuqda Khatar’’ Xildhibaan Baar Siciid DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (QJ):- Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee Ka Soo Hor Jeeday ansixintii labada Gole ee Heshiiska Saldhiga Berbera ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay wixii halkaas ka dhacay iyada oo sida oo kale na shacabka xusuusisay dhibbaatooyinka ka socda wadamada Islaamka ah in ay…

Read More

Dawladda Iiraan Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Saldhigga Milatari Ee Berbera Farriina U Dirtay Xukuumadda Soomaaliya Oo Ay Sheegeen In Iyadu Imaaraadka U Fududaysay + Saamayntiisa Amni

Tehran 17. February 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Waddanka Iiraan oo dhinac ka ah quwadaha ku hirdamaya siyaasadda Dalalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka Islaamka farahana kula jira dagaalada ka socda dalal badan oo Muslim ah oo dhibaato badani wakhtigan ka taagan tahay ayaa qooraansaday kana hadlay saamaynta ay manaqadda Geeska Afrika iyo dalalka Jasiiradda Carabta…

Read More

Madaxweynihii Hore ee Somalia ee Shalay Xilka Wareejiyey Xaguu Ku Sii Jeedaa,Ma Helayaa Daryeel Iyo Ilaalo Amni?

Muqdisho 17. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay xilka iska wareejiyay madaxweynihii Xasan Sheekh Maxamud, hadaba waxaa isweydiin leh, Xasan Sheekh iyo qoyskiisa xageebay aadayaan, dowladda ma martigelin doontaa, ammaankooda mala sugayaa mise, daryeel ma leeyihiin? biilkii iyo lacagtii uu qaadan jiray ma u soconaysaa? Haddii su’aalahaasi kugu soo dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in aadan is…

Read More

Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Soo Saaray Digreetadii u Horaysay ee Mas’uul uu Magacaabo

Muqdisho 17. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay si buuxda xilka ula wareegay ayaa Niskii Danbe ee Xalay magacaabay xilalkii ugu horeeyey ee saraakiisha ka howlgaleysa Madaxtooyada.   Farmaajo ayaa Agaasimaha KMG ah ee madaxtooyada u magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya Midowga Yurub iyo Belgium Dr. Cali Siciid Fiqi kaasoo ka mid…

Read More

Garsoorka Spain Oo Shirkad Diyaaradeed Ku Xukumay Inay Mag-Dhaw Lacageed Siiyaan Haweenay Muslim Ah Oo Ay Ku Ciqaabeen Xidhashada Xijaabka!

Spain 17. February 2017 (SDN/QJ):-Garsoorka Dalka Spain ayaa xukun ku soo rogay Shirkad Diyaaradeed oo haweenay Muslimad ah oo u shaqayn jirtay iyada oo xidhan xijaab in ay magdhaw lacageed siiyaan gabadhaasi, kadib markii ay shaqada ka joojiyeen kuna ciqaabeen xijaabka ay xidhatay awgeed, sidoo kale maxkamadda ayaa ku xukuntay shirkadaasi inay dib ugu ogolaato…

Read More

Labadii Beelood ee Dirirtu Ku Dhex Martay Degmada Ceel Afweyn oo Xalay Mar Kale Fooda is daray

Ceel Afweyn 17. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Xalay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag  ay mar kale diriri ku dhex martey labadii beelood ee dhawaan Dirirtu ku dhex martey Deegaano hoos yimaada degmada Ceel-afwayn kuwaasi oo ilaa hadda lagu gudo jirey xalinta shaqaaqadii hore u dhex martey labadan beelood ee walaalaha ah taas oo sababtay…

Read More

“Ragga Maanta Ka Soo Horjeeda Horumarka, Maalgashiga, Saaxiibada Cusub Aragti Ahaan Iyo Mab’da Ahaan Ayaanu Soo Kala Horjeednaa, waxay doonayaan inay didiyaan wixii aanu dalkan u soo shukaaminay.” Wasiirka Madaxtooyadda S.land SAWIRO/DAAWO

Berbera 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kala duwanaansha xaga aragtiyaha Xukuumada Somaliland iyo Mucaaridka qaar ee ku aadan dhinaca maalgashida iyo xidhiidhka wadamada carabta.   Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan iyagu muhiimad koowaad siinayaan sidii ay Somaliland u heli lahayd saaxiibo ka gacan siiya dhinacyada dhaqaalaha…

Read More

Xisbiga KULMIYE oo u Xafladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI (SAWIRO)

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga KULMIYE, ayaa u xafladeeyey Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda ee WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiye-kux-xigeenkii hore ee xisbigaas Md. Axmed Muumin Seed oo si rasmi ah u midoobay maanta. Xafladda midowga labada dhinac oo ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE…

Read More

Sidii ay u Dhacday Xil Wareejintii Madaxweynaha Cusub ee Somalia uu Maanta Kula Wareegay Xil haynta Mudada 4 Sanno ee Soo Socota SAWIRO

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh…

Read More