|

Awdal: Arday Baddu Liqday iyo Hal Ruux Oo Daadad Qaateen

Lug-haya, 14,4,2016 (QJ/SDN) – Sadex arday oo ka tagay dugsi ku yaala Magaalada Fadhi Xun oo ka tirsan gobolka Awdal gaar ahaana hoos timaada Degmada Lughaya, Ardaydaasi oo ay wadeen Macalimiintooda oo u dabaal geeyey Badda Degmada Lughaya ayaa dhintey ka dib markii ay liqday Badda Lughaya oo ay ku dabaalanayeen.

Sadexda arday ayaa iyagu ka mid ahaa ardayda ka yimi Fadhi xun ee loo geeyey goobtaasi in ay u soo dabaashaan

Maamulka Gobolka Awdal waxa uu sheegay in talaabo laga qaadi doono Macalimiintii kaxeeyey Ardaydaasi ee sababta u noqdey dhimashadooda.

Iyada oo xiligan lagu jiro xilli Roobab oo ay Baddu kacsan tahay iyada oo macalimiintii masuulka ka ahayd ee geeyey goobtaasi aanay aqoon u lahayn xiliyada ay baddu dhibaato soo gaadhsiin karto ardayda ay goobtaasi geeyeen.

Geesta kale degmada Dilla ayaa waxa ku dhintey Hal qof Marxuumkaasi dhintey oo ay qaadeen Daadadkii ka soo rogmaday Roob mahiigaan ah oo ka Da,ay deegaanada Gobolka Awdal, waxaanay sababeen Daadadkaasi in ay qaadaan marxuumkasi dhintey iyo Xoolahii uu la Joogey.

Comments are closed