|

Baadhitaan Adag Oo Ku Socda Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Kadib Dacwo Laga Gudbiyay!!!

Muqdisho 30. June 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka dowlada Soomaaliya baaritaano adag ku wadaan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo lagu tuhmayo in musuq maasuq ka dhax jiro lacago badan lagu lunsaday.

Baaraaal kasocda Hanti Dhowrka Qaranka ayaa mudo isbuuc ah ku sugan xarunta Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxa ayna xubnahan si gaar ah u baarayaan xafiiska Maaliyada u qaabilsan Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha.

 

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Musuq maasuq ka jira Xafiiskan iyo lacago badan oo la lunsaday u gudbiyay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka, waxa uuna ka codsaday in baaritaano lagu sameeyo lacagaha soo xarooda iyo kuwa la lunsaday..

 

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo lacago badan kasoo xareysa bixinta Baasaboorka iyo sidoo kale viisaha iyo dadka kasoo dega garoonka iyo kuwa ka dhoofaya ayaa la sheegay in lacagahaasi aan la geyn Wasaarada Maaliyada.

 

Inta badan lacagaha soo gala Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la tilmaamay in sifo qaldan ku baxaan, waxaana mararka qaarkood akoonka Wasaarada Maaliyada lagu shubaa lacag aad u yar aysan suurto gal aheyn in kasoo xarooto Hay’adaasi oo kale.

 

Xubnaha Baaritaanka ku wada Hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo markii hore la qorsheeyay in mudo isbuuc ah lagu soo gabo gabeeyo ayaa qaatay waqti intaasi ka badan, waxaana wali baaritaanka ku howlan xubno badan oo katirsan Xafiiska Hanti dhowrka.

 

Lama oga tilaabada la qaadi doono hadii Musuq maasuq kusoo baxo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, waxa ayna horey u balan qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha in si adag ula dagalami doonaan Musuq maasuqa ka dhax jira Hay’adaha dowlada.

Comments are closed