|

Baarlamaan Ansixiyey Xeer ka Dhan ah Eedaanka Masaajidada Muslimiinta

Israel 10. March 2017 (SDN/QJ):- Baarlamanka Israel ayaa waxaa ka dhacay muran caro leh, ka dib markii goluhu aqbalay in la ansixiyo xeer mamnuucaya cod-baahiyeyaasha goobaha diimaha.

 

Xeerka ayaa saamayn doona eedaanka salaadda Muslimiinta, waxaana wareegii hore ee codaynta lagu meel mariyey aqlabiyad aad u yar.

 

Xildhibaannada Carabta ah ee golaha ka tirsan ayaa qaarkood waxay jeex jeexeen intii dooddu socotay nuqullo ka mid ah xeerka la soo bandhigay.

 

Faqrad ka mid ah xeerkan qabyada ahi waxay dhamaan goobaha cibaadada ka mamnuucaysaa adeegsiga cod-baahiyeyaasha markasta oo codkooda aadka u dheer loo qaadan karo inay dadku dhibsan karaan.”

 

Muwaadiniinta Carabta ah ee Israel oo loo yaqaan Carabta Israel ayaa ka kooban 160,000 oo qoys oo ah Falastiiniyiintii ku nagaaday dhulka kadib markii la aasaasay dawladda Israel sannadkii 1948. Waxaanay bulshada Israel ka yihiin 20%.

Comments are closed