|

Baarlamaanka Somalia oo Si La Yaab Leh Codka Kalsoonida u Siiyay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia ee Madaxweyne Farmaajo Magacaabay

Muqdisho 01. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa maanta si rasmi ah xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uga furmay kalfadhiga 1-aad ee Baralamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u furay Kalfadhiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kulanka furay ayaa Xildhibaanada Aqalka hoose ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhawaan soo magacaabay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa intaas kadib sii anba Qaaday kalanka aan caadiga aheyn, isagoo Barlamaanka ka hor akhriyey farriinta Barlamaanka ee ku socota Ra’iisul wasaaraha Somalia haddii uu Codka Kasoonida ka helo Barlamaank, isagoo faah-faahiyey tallooyinka iyo marxaladdaha la wajahayo ee la doonayo in ay isula jaan-qaadaan Xukuumadda la doo dhisi doono iyo Barlamnaanka Somalia.

Sidoo kale Hadal jeedinta Guddoomiyaha Barlamaanka kaddib, Afhayeenka Barlamaanka ayaa ku soo dhoweeyey Ra’iisul wasaare Mudane Khayre isagoo Barlamaanka Somalia ka hor hadlay oo ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato Doorasho xur iyo xalaal ah oo la gaaro sanadka 2021 ka.

Hadal soo jeedinta Gudoobnka Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha kaddib, Xildhibaannada Barlamaanka ayaa guda galay codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha Somalia, si uu qabto qodoboka 69-aad ee Destuurka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo codka uu ahaa gacan taag cod hal dheerti ah, barlamaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 231 mudane ayaa waxaa codka Kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha 231 mudane ma jirin cid diiday ama ka aamustay, si uu natiijada uu ugu dhawaaqay guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaewaari.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Cali Khayre ayaana Barlamaanka uga mahadceliyey, una ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono Xukuumada kaddib wadatashiga shacabiga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa u guud mar ku sameeyey qodobo ay diiradda saari doonto Xukuumaddiisa soo socota

Comments are closed