Hargaysa 09. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa eedo tiro badan ku garaacey wax-qabadka xukuumadda KULMIYE.
Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa eedo kulul ku garaacey xukuumadda KULMIYE,Isaga oo ku dhaliiley heerka waxbarasahada Somaliland oo aad u liidata.
Geesta kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhaliiley xukuumadda KULMIYE sida ay uga gaabisey wax-ka qabashada korontada dalka oo aad uu sarreeyo qiimaheedu.
