|

Beesha Caalamka oo maalinta berri ah imanaysa Somaliland

Hargeysa. 27 November, 2022. (QJ)- Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay yimaadaan Somaliland iyadoo ay metelayaan dhammaan dhinacyada kale ee xubnaha ka ah daneeyayaasha Somaliland ee arimaha siyaasadda.

Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa sheegaya in xubnaha metelaya Beesha Caalamku ay kulamo la yeelan doonaan Muuse Biixi iyo labada murashaxa ee xisbiyada mcuaaradka ah todobaadkan dhexdiisa, kadib ay samayn doonaan soo jeedin.

Waxay u badan tahay in ay kulamada dhexdooda la wadaagaan dhinacyada soo jeedinta ka timi dhanka Beesha Caalamka kadib mucaaradka oo hore u sheegay in aanay la kulmayn Muuse Biixi maadaama aanay jirin dhabe furan oo lagu wada hadli karo.

Illa hadda waxaan la ogayn waxa uu yeeli doono Muuse Biixi kadib soo jeedinta Beesha Caalamka oo iyaguna muddo ka tashanayay waxa ay samayn doonaan.

Muddo ku dhow bil waxa Somaliland la sugayay Beesha Caalamku in ay timaado dalka kadib amrkii ay mucaaradka ka codsadeen in ay hakiyaan tallaabooyinkooda, waxaana la filayaa in go’aankoodu uu beedeli karo qayb ahaan dhanka loo socdo.

Comments are closed