Hargaysa 16.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo ka Hadlayay Xaflad Xisbiga Waddani Maanta u Sameeyay Taageerayaal Laxaad leh oo ka soo Jeeda Beesha Gobolka Hawd ayaa sheegay in Beeshani Xaq u leedahay inat talada dalka Kaalin muhiim ah ka galaan isagoo Soo dhaweeyay Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Waddani Yeelan doono Xildhibaan C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.
‘’Beesha Gobolka Hawd Waa Mid ka Mid ah Beelaha Ugu Mudan ee Ka Qayb qaatay Halgankii Dib u Xoraynta Dalka Xaq ayayna u Leeyihiin inay Hogaanka Waddani Qabtaan’’ Gudoomiye Axmed Muumin Seed DAAWO
